Sharci Mamnuucaya In Sawirrada Carruurta La Dhigo Facebook Iyo Ciqaabta Ku Dhacaysa Waalidka Jebiya.

0
329

Xukuumadda dalka Faransiiska ayaa horraantii sannadkii dhowaa ee 2016ka waxa ay waalidiinta uga digtay in ay sawirrada carruurtooda ku
faafiyaan barkulannada bulsho ee internetka. War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey degelka internet ka ee The Conversation. Ayaa lagu sheegay in waalidiita la arko iyaga oo ubadkooda dhigaya barkulannadan bulshada lagu qaadi doono xeerka dalkaas uga yaalla faafinta sirta shakhsiga ah ee dadka kale, kaas oo ciqaabaha uu dhigayaa ay gaadhsiisan yihiin illaa hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo u dhigma 64 Doolar.
Habkan ayaa ah mid lagu ilaalinayo sirta ilmaha oo in kasta oo aan si cilmiya weli loo caddayn haddana la dareensan yahay in ay khatar ku noqon karto ammaanka ilmaha, iyo arrinta kale ee muhiimka ah ee uu go’aankani tixgeliyey oo ah in ilmaha la’ la sugo go’aan ka gaadhista in uu sawirradiisa iyo ficilladiisa qaar ka dhigo kuwo dadka oo dhami daawadaan iyo in uu noqon doono ruux jecel in wixiisu sir u ahaadaan. Waxaa iyaduna jirta cabsi laga qabo in ilmuhu marka uu weynaado ee uu dib u arko qaar ka mid ah sawirradiisa ku jira internet ka aanu qaarkood jeclaysan doonin sababo iyo xaalado laga yaabo markii waalidkii gelinayey in aanay jirin oo imika jira awgeed.