Sheekh Aw Jaamac Oo Daaha Ka Roggay Dhacdooyin Yaab Leh Oo Soo Maray Intii Uu Sixirka Dawaynayey

0
422

Sheekh Aw Jaamac Oo Daaha Ka Roggay Dhacdooyin Yaab Leh Oo Soo Maray Intii Uu Sixirka Dawaynayey

Burco(Warsugan) Iyadoo dhawaan qoys islaama lagu dhibaateeyey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer islamarkaana lagu Sixray ayaa waxaa beryihii u danbeeyey socday Dedaalo loogu jiray sidii reerkaasaasi loo samata bixin lahaa, waxaana quraan saaray Sheekha weyn ee sida caanka ah looga yaqaano Magaalada Burco Sheekh Caw Jaamac Cismaan kaasi oo markii danbe ku guulaystay inuu qoyskaasi usoo celiyo Kalsoonidoodii isla mar ahaantaana isagoo kaashanaya Ilaahay iyo Digrikiisa ku guulaystay inuu soo saaro Sixirkaasi.

Wariye Cabdisitaar Sabti oo kamida Bahda Tv-ga Qaranka ee Gobolka Togdheer ayaa su’aalo waydiiyey dareenka qaar kamida xubnaha qoyska Sixirka loo geystay waxaana ay sheegeen inay inay hada ka ladan yihiin dhibaatadii soo gaadhay Ilaahayna ay ugu mahad naqayaan iyo Sheekha daweeyey sidoo kalena waxa ay xubnahani sheegeen inay jirto dhibaato kale oo shacabku u geysteen iyo Nabaro ay qabaan waxaana ay hadalkeeda ka mid ahaa hooyo ka mida qoyska sidan “ Waa nala laayey meel walba nabaraa naga yaala waanu wada dhaawacan nahay Walaashay Laba dakhar bay qabtaa anigu Kelida nabad weyn baan ka qabaa, Inan yaroo rajada ah oo gabadhii dhimatay dhashay waxay qabtaa nabaro, saqiirow kabiir Burcaa dhagaxa noo taabatay waa reer sixir oo falalow bay na yidhaahdeen annaguna reer Islaama baanu nahay waataa Samuuradu gurigayaga ku taala Walaashay halkan bay quraanka ku dhigan jirtay wadaad Islaama bay ahayd ilaahay (SWT) wuu naga fayday wixii naloo adeegsaday wax allaale iyo wax saacadaa nalagu dilayna garan mayno”

Sheekh Aw Jaamac Cismaan oo kamida Culimada waa weyn ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in Sixirkan uu Qoyska ku arkay aanu hore u arag noociisa oo kale balse waxa uu ka sheekeeyey Dhacdooyin sixir ah oo soo maray kuwaasi oo uu ka danbeeyey dad kala duwan iyo Xiligii la deganaa Magaalada Yiroowe waxaana uu yidhi Sheekhu “ Dhacdadan oo kale ima soo marin laakiin waxyaalo u eeg baa isoo maray, waxaa kamida waxyaalaha isoo maray nin dhalinyaro ah oo Xiniinyihii iyo Alaabtii uu ka kaajayey iska waayey , ka dib markii ay Islaan saaxirad ahi Tusbax ku dhufatay, dabeena uu ii yimi oo uu yidhi alaabtii iskuma hayo oo sida dumarkaan u kaajaya Ilaahay (SWT) kaa waa igu guuleeyey Quraan baan ku akhrinay sidiisii buu kusoo noqday Yiroowey ahayd , waxaa kale oo Burco iga soo maray Inan yar oo dhalinyaro ah waxaa jirtay qori kabriidka oo inta madow laga jaray oo Indhaheeda kasoo daadanaya, dabadeedna Bac dhan iyagoo sida bay yidhaahdeen Isheedaanu kasoo gurnay Anniga markii lay keenay qaarbaan kasoo qabtay markii mid kasoo saartaba mid kalaa isku soo taagaya islamarkaana quraankaan ku bilownay markaasba Ilaahay ka joojiyey Ilaahay (SWT) Qura’ankiisa aanu ku bilownay ”

Sheekh Aw Jaamac Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Waxa kale oo jiray Nin saddexaad oo isaguna Quruurux kasoo daadanaday Bac quruurux ah buu ii keenay uu yidhi quruuruxaa baa iga soo daadatay Jidhkiisa oo buur buur leh, isagana markii aan Qur’aanka ku akhriyey buu bugsaday”