Sheekh Maxamed Siciid Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Golihiisa Wasiiradda Ka Saaro Qurba-joogta

0
412

Sheekh Maxamed Siciid Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Golihiisa Wasiiradda Ka Saaro Qurba-joogta

“waxaan leeyahay nin inala degan oo carruurtiisu dalka joogto wax ha inna waydiiyo, laakiin …..
“dadka muslimiinta ahi meelkasta oo ay ku dagaalamaan dhiig ayay daadiyaan naarta ayaa lagu gallaa, waanna arrin khatar”.

Boorama, 28 September 2019 (Warsugan)-Sheekh Maxamed Siciid (Sheekh Saaweer)oo kamida culimmida waawayn ee Somaliland ee ku dhaqan gobolka Boorama, ayaa salaadii jimcaha kaga hadlay dhibaatada qurba joogta qaarkood ay ku hayaan dalka.Islamarkaanna wuxuu Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu Golihiisa Wasiiradda ka saaro Qurba-joogta ku jirta.

Sheekhu wuxuu sidoo kale farriin walaalnimo u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Ceel-afweyn.
Sheekh Maxamed Siciid Oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi ” Qurba joogtu waa niman dhibaato badan caruurtooda dabaday dhigteen wax magaalooyinka ka joogaa ma jiraan waa rag soo shaqa tagay hadana dalkeenna qaybo badan iyagaa ka qayb qaata nabad-galyo darrada, iyagoo dalka imanayn oo aanay carruurtoodii joogin ayay haddanna odhanayaan waxaa ha la yeello, waar waxaan leeyahay nin inala degan oo carruurtiisu dalka joogto wax ha inna waydiiyo, laakiin nin aan innala joogin oo aan dalkaba joogin? Muxuu innoogu talinayaa, xitaa waa in madaxwaynu wasiiradiisa ka saaro kuwa qurbo jooga ah maxaa yeelay ? ma naxayo oo carruurtiisiibaa maqan hadday wax dhacaana waxba kama gelin.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Siciid

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Siciid wuxuu farriin waanno iyo walaalnimo u diray dadka dirirta collaadeed ku soo noq-noqonaysa “Somaliland barwaaqo ayay ku jirtaa waad arkaysaan adduunyada waxa ka dhacaya, kuwa ku dagaalamaya ceel afwayna waa dad walaalo ah oo meel wada degan oo shaydaan ka shaqaystay, maalin kasta shan-baa dhimanaysa, lixbaa dhimanaysa way ku dhimanayaan la garan maayo, dadka muslimiinta ahi meelkasta oo ay ku dagaalamaan dhiig ayay daadiyaan naarta ayaa lagu gallaa, waanna arrin khatar.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland