SHEEKO JACAYL DHAB AH.

0
917

11, 2015 | Filed under: ARIMAHA BULSHADA | Posted by:war sugan news
Waa sheekadii iyo maansadii ka dhalatay dhacdo jacayl gabnoobay oo ahayd sida tan;

Waxay ahayd 7;30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey magaalada Addis ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo ahaa wiil dhalinyaro ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji hillac,

hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala baxay kalgacal facwayn oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo idil, taasna waxa sababay jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay kalsooni badan oo niyad sami ku dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo sida midhaha geedaha ku abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax, gabadhaasi oo sida waqalka uga heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi

“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE OGAW”.

Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo xushmad wayn, dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris, taas oo labadaba fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii jacaylka,waxaana dhex yaalay miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku indho kuulan jiray waxaanay ahaayeen ,

dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,

waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku kalifay in uu naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa dhigeedana ifraax ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan ka dhigtaan isku mid.

Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama caawa caloosheenu waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad cunaysaa caawa, waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba qof oo labiska ama huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo midabka iskaga mid ah, jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee hadii ayna is arag saacad midba dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka kale,AYAA WAATII HORE LOO YIDHI DABAR IYO HOGAAN IYO DANI WAA SEETEE.

Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa waxa dhoof u soo baxay ifraax, nasiibkaa mid udhawna waxa helay Deeq, oo waxbarasho jamacadeed u helay ADDIS ABABA, ifraax oo u socota Denmark iyo deeq oo jamacad u tagay adiis, ayaa labaduba safarkii gaadhi ugu baqoolay meel labadaba dantoodu ku xidhnayd.

waxa ay noqdeen laba nafood oo isku mid ah, oo isku milmay,daymada indhahaa isku doogsade, sababtoo ah DHAAYIHII IS JECELBAA DHAB AHAAN IS RAADSHO DHAYAL UKALA JEEDSAN.

intii jidka lagu jiray qooraansi eegmada indhihii ayaa qaloocday, naf wax jecel ag joogta waa u nasiib iyo naruuro, xawaaraha u jaraayo gaadhiga ay saran yihiin waxa barbar socda, xawaaraha uu jaraayo wadnaha iyo dareenka deeq,waayo? Deeq waxa uu u ogyahay safarkiisa inuu ku eegyahay adis ababa, balse ifraax tahay qof u dhoofaysa dal shisheeye iyo dibad fog, is aragii dhaayuhu ku doogsan jireen ku danbaynayo dhagaysi, qudheeda ifraax shidada iyo shawrka kalgacayl kuma yara, oo iyaduba waxay ka fakaraysa jacaylkan safarka galay balse socdaalkii dhawaa fogaanayo, waxay yimaadeen ADISABABA iyagoo umal iyo urugo jacayl, midba gaarkii ula tiicayo,

hasa aahaatee may noqon laba qof oo xaafad wada daga, ifraax waxay dagtay booli, deeqna waxa uu la dagay adeerkii oo caruurtiisa dhoofinaayay oo dagan xaafada la yidhaah SHOOLA.

jacaylkii waxa durba soo food saaray duruufo lagama maarmaan ah. Ifraax waa qof safar kale laga sugayo , oo markiiba waxa loo dhaqaajiyay xaraynta foomka fiisaha iyo hawl safaaradeed, deeq laftiisa jacayl darani haku dagee, oo daruuro kalgacayl xambaarsan dhibica sida mahiigaan ha ugu asqeeyaane, isna hawl ayaa sugaysa oo ah inuu galo jamacada oo u baahan dariiq dheer, balse jacaylka uu u hayo ifraax ayaa ku kalifay intay tagayso in aanu waxbarasho bilaabin waayo?

Waxa aad ugu mudan aragtida ifraax, hase ahaatee ifraax safaarada qacanta kuma haysato, halka uu deeq maalinba waqtiga riixayo, oo uu adeerkii ku maawelinaayo jaamacad I qancisa ayaan raadsanayaa ee dagdagu ma wacna,

waxaanu taas u samaynayaa waa firaaqo aad u heshid yartan ifraax ee lagu beeray maskaxdiisa,ee sida geedka ka dhex baxday, ifraax dhankeeda dhibtu kuma yara oo waxay qaadaysaa oo ay ku sugantahay,AMA DHAMAC KALGACALBAA I DHALAALINAYSOO INTA’AAN LA DHOLANDHOLAY DHEXDU ILA YARAATAY.

Hase ahaatee, tagitaankeeda waxa qabanqaabinaya abtigeed iyo walaalkeed,kuna raad jooga ilaalinta iyo dhawarista ifraax, maadama dhulkani yahay mid shisheeye oo dhaqan ahaan kala duwanahay, waxa deeq uu ku guulaystay in uu helo taleefanka ifraax, waanu lahadlay salaam diiran oo kalgacayl dabadeed, waxa uu u sheegay in galitaankii jaamacda u darted u hakiyay, maadama mardanbe oo ale qadaro mooyee ay tahay aragii ugu danbeeyay, intaa markuu hadalkii marinaayo ayay tidhi, walaal waan qiiro ooyay ee halkee ayaan kugu imaadaa.

deeq ayaa si naxarisi ku dheehantay ugu jawaabay , walaal anaa ku imanayee iska joog, naf wax jeceli dhibanaa, deeq gaadhi ayuu kiraystay geeya xaafada ay daganayd ifraax.

jacayl waayo badanaa ifraax dibada ayay ku sugtay, waana ay kulmeen bariido qacmmeed, faraha la is dhaafsay waxay geeysay guri ay jaar ahaayeen, deeq waa lagu sii diday oo kaarkii caashaqa ayaa ku sii fiday, waxa uu qaadayaa JACAYLKAN DHULKAYGIYO HALKAN IGU DHIBAAYAAN DAL DHEER U DHOOFINAAYAA.

waw, ifraax lafteedu ma dhawa oo waxay maraysaa “sidii aan u laab kacay ladi waayay jiifkoo”, is warayste oo u sheegtay inay heshay fiisihii oo la siinayo laba todobaad oo ah 14 cisho, intaasna ay wada xidhiidhayaan deeq waa u farxad marna waa u naxdin waayo ?

jacaykisi ayaa helay nasiib wacan oo dhoof, marna waa uu murugo, oo ifraax xasuus uu qalbiga ka daawado mooyee isarag imika waa gabaabsi waxaase u leeyahay “dhawristeeda oo qudhaan ayaan dhawr ku qadayaa”, oo agjoogeedu guul iyo farxad ugu filan, waana uu ku hambalyeeyay waxaanu u sheegay in uu sugaayo, intaasna ay xidhiidh taleefan iyo netka kuwada noolaadan, maalinkastana inta ay joogto maagaalada u imanaayo si ILDOOGSI ugu noqoto, ifraax way ka aqbashay, waxaanay tidhi “ADIGA IYO JACAYLKABA IDIN ILAAWI MAAYO’OO WAAN IDIN TABAYAA”, maalintaa iyo maalmihii ka danbeeyaya waxay noloshooda ku qaateen dharaaro macaan, oo midba midka kale uu mabsuudo,

balse , maalmihii sida badda caariday oo soo buuxsantay ayay dagnaan iyo lama filaan ku soo idlaadeen, deeq caashaqu biyo dhig, dhinac walba kalgacaylku u dhaaf, ifraax way laqabtaa dareenkaa hasa ahaatee farahaa ilaahay masimee,waxa qadarin badan oo cishqigu ku wayn yahay waa deeq, waayo?

Isagaa laga tagayaa waxaaba lagaadhay dhoofkii, ifraax bulsho uu ku jirro deeq ayaa sii galbisay,balse deeq meel uu maraayo isma oga, waxaabu ku sigtay inuu diyaarada balaasha qabsado marka laga eego, sida uu u foofay iyo badwaynta jacaylka ee lagaga tagay, waxaase niyada u dhistay ifraax oo tidhi, anaa kuu nool ee ha warwarin la isna maca salaamee

ifraax oyday ,deeqna ilmee dhiig caashaq, duushay oo diyaaradii kacday,deeqna isagoo dalanbaabiya ku soo noqoy halkuu daganaa, waagii bari, deeq qalbiga ayuu ka daalanyahay , intaan xalay moodaayay in uu hurdo,,waxa uu saarnaa diyaaradii ay ifraax raaxday, waa gataati dhac, xili barqo ah ayaan toosiyay, markuu indhaha kala qaaday ayuu yidhi iifraax inoo gee, anoo dareensan waxa ka hadlinyaa in uu yahay jacayl qoto dheer, oo qalbigiisa galay ayaan ku idhi

Saaxiib waataynu xalay anba bixinay markaasuu intuu soobaaday yidhi” alla waa runtaa sxb sideen ahaa “ waxan ugu jawaabay “waa jacayl iyo caadkii” sadex casho markay maqnayd ifraax ayay soo hadashay ayadoo kawaramaysa nabad qabkeeda waana ay wada hadleen

Number uu kala hadlo ayay siisay, waana uu kala xidhiidhi jiray ,

Deeq waxa uu joogaa adiss oo ah, halkii jacaylku kaga dhoofay , waxa ay markasta ishiisu qabataa , maalmihii ay wada joogeen dhulkay mari jireen , taasi hadaba waxa ay deeq kadhigtay , maxbuus qalbiga uga xidhan ifraax oo waxa uu qaadayaa

“ADIGOO DALDHEER JIRAAN HALKAN KAA DAREEMAA IFRAAX WAAN KU JECELAHAY”

Waxa uu bilaabay Tacliintiisii , hase yeeshee isaga ayaabay jaamacadi kafuran tahay beerkiisa

Oo waxa ka ifaysa ifraax , oo marka aanay lasoo hadal waaba bastii oo balo ayaa ka higle

Markuu la hadlana ma ah wiil buka oo waabu bogsadaa , waxaas oo dhana waxa sababay caashaq , jacayl , iyo kalgacayl is urursaday oo guluf ku haya isaga

LAABI LABA U LA hadaba ninkii isku kari waa tacliin iyo taleefan ku hadal , waa ifraax oo biixiyaha dhabarka howl yari ku baahday , waxa uu dhigay qalin kii qalbigana waxa uu ku xardhay ifraax oo kaliya , nasiib daro’se waxay tahay ‘siduu ugu lisay ugumay hambayn’

Ileyn waa gabadh yurub gashay oo jacayl kiiba way ka mashquushay

Isagiina ayada oo kaliya ayaabu ku mashquulsan yahay , maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii yaraanayay soo hadal keedii , deeqna wuu sii karaar qaadanayay

Waxa hadaba ku sii kordhay Dhamac kalgacayl oo adkaysi u diiday waxaana qalbigiisa kadhex maaxaysa ifraax oo sida miiraale roob iyo weedhka hadba dhinac kaga meeraysanaysa maskaxdiisa

Gantaal jacayl ayaa siwayn ugu dhacay markii ay ifraax anba baxday , waxaanu noqday baal dabayli sidato iyo badwayn baaxaa dagaysa , waxa uu hadaba deeq hamuun iyo hiirtaanyo uqabaa Hadalka ifraax

Balse iyadu sidii ay u baqooshay way yaraysay hadalkii uu u jeelanaa , hadaba deeq waxa ku dhacay dareen cidlo

Waxaanu noqday maxbuus uxidhan gabadh aan xukun ku ridan oo dulman , Balse ilaa imika deeq waa uu kujiraa Jeel caashaq oo aan lahayn Loyar iyo Maxkamad u dooda Marka laga reebo aniga oo u caqli celin jiray Samir iyo dulqaadna fari jiray

Hase yeeshee ilayn waanadu madeeqdo Ruux jacayl ku wayn yahay Deeq iga diid waanadii Balse Jacayl ayaa dardaray oo waxa uu yidhi

ADAAN DOOG JACAYL IYO KALGACAYL KU DAARINE MIYAAN DUNIBA JOOGAA

SAAXIIB WAAN SILIC SOCDAAYE HADAL KAA IDAM QAAYEE IGADAA WALAAL

Markuu Halkaa marinaayay ayaan go aansaday inaan raadiyo ifraax si aan ugu sheego halka ay saaxib kay lamarayso dhibaatada jacay ee ku kaliyay satay

Nasiib wanaag waan helay ifraax , waxaan se odhaahdeedii kadareemay in uu jacaylkeedu ku ekaa eriboodka (airport) sidaan anigu u maleeyay

Markaa waxaa halkaasi aan kadareemay in jacaylkii deeq iyo kii ifraaxba ku kaliyaystay isla saxiib kay deeq marhadii lagaga tagay oon loo ogayn,

Hadaba ilayn lamaanahayni isjeclaa waxa kala fogeeyay war xuma tashiil , waxa ay nasiibdaradu tahay in ay ifraax rumaysatay warxuma tashiil kaasi soo weeraray

Saxiibkay deeqna waa uu lasocday in lakala fogeeyay hadaba wakhtigaa saxiibkay wuxu isku maaweelinayay hees aan midheheedii ka xasuusto,

CAKU LABA ISBARATOO

ISKU BOGOO ISKALA BAXAY

BOQOLKU IYO DHEERAAD

MARKUU BAAHAY XIISUHU

KALGACAYLKII SOOBAXAY

BISILYAHAY LACUNI LAA

ISBARIIDIN WAAYOO

BINI AADAM KALA DILAY

Bal hadaba kadis kani layaabkale ee dhacay dadoow ufiirsada

Isaga oo deeq ku hawlan heestani oo maskax diisa iyo qalbigu isku jiibinayaan ayaa waxa soo dhacay taleefan aniga idoonaya saxiibkay deeqna uu I agfadhiyaa

Si dag dag ah ayaan u qabtay Waxanan ogaaday in ay tahay ifraax

Bariido aanu is waydaarsanay dabadeed waxa aan markiiba la boobay waano iyo canaan isu jira , intaa kadib waxa aan taleefan kii ugu dhiibay deeq

Hadaba markii aan u fidiyay gacanta taleefanka saxiibkay waxa aan wajigiisa kadareemay

Furfurnaan ,hididiilo , iyo rajo uu kadamacsanyahay soonoqodka ifraax intaa kadib maxaa dhici doona

Deeq oo si dag dag ah u hadlaya ayaa yidhi ‘ walaal is daji cid aan adiga aduunka kaa jecelahay majirto waxaa laguu sheegayna waa waxba kama jiraan ‘

Hase ahaatee iyadu dhag jalaq umay siin halkiina kama dabcin waxaanay ku adkaysatay in wax yaalahaa looga soo tabiyay oo ilayn show ahaa inuu gabadh kale la rafiiqay ay jiraan

Iyaduna fariintan ay waday ay ahayd uun inay kabaxday oo ay is fasaxaan

Intaas oo la is dhaafsaday kadib Deeq wajigiisu wuxuu isu badalay dhidid miidhan , murugo , iyo ciil kasoo if baxay wajiga saxiibkay deeq , waxaanu dirqi ku haleelay intii aanay dhigin telefonka

IBAD BAADI BEERKAAD LABAXDAA BUKOODEE

Markii arinku halkaasi marayay gabal ayaa u dhacay deeq waxaanu ku muusanaabay

WEHELKA WEHELKAYGA CAASHAQA

LAWADAAGI JIRAY BAAN

WALI U YEEDHA

WAKHTIGII WACNAAYEE

IWAYDAARTAY BAAN

WALI XASUUSTAA

Hadaba aniga iyo saxiibkay deeq halkii ayaanu ku kala tagnay habeen kaasi isaga oo aad u murugo iyo ciilba qaba

Waxa la isu soo noqday aroornimadii iyo fagaarihii asxaabtu ku kulmi jirtay

Asxaabtana waxa ku jiray qaybtii kashayqaysay isu dirka deeq iyo ifraax iyagoo ku hadaaqaya erayo laga soo xigtay ifraax oo sumcada iyo sharafta deeq ku tumanaysa , halka uu deeqna marka laga waraysto ifraax uu erayo wanaagsan iyo amaan kabixinaayay hase yeeshee markii ay erayadaasi dhawaca ku sii kordhinayay deeq hadhiwaayeen kalatagistii ifraaxna ay kalmadahaasi kaga dhib bateen

Ayaanu habeen qol isugu nimidnay aniga iyo saxiibkay deeq isagoo ay laabtiisa gubayaan kalmadihii warxuma tashiilku

Wax uu jiif iyo joog xamili waayaba , mar ay goor sheegtu (sacadu) ahayd cabaara 2:30 kii habeenimo goobtuna tahay Ethiopia (adis ababa) ayaa aniga oo hurda waxa aan ku toosay saxiibkay oo jiif iyo joogba xamili la oo kacaa fadhiisanaya

Deeq waxa uu markiiba qaatay Talefan I agyaalay waxaanan waydii yay cida soo jeeda ee uu xiligan garaacayo , waxaanu ii sheegay in uu garaacayo ifraax

Runtii aniga waxa ay igu noqotay layaab dhibaatada saxiib kay uu la baaxaa dagayo

Deeq waxa uu garaacay ifraax , Talefan kii ayaanay ka qabatay , waxaanu ku yidhi isaga oo cabsanaya

“ IFRAAX WALAAL WAA ANIGA WAA DEEQ, KUU MAAN SOO GARAACIN INAAN KAA NIXIYO WALAL, XILIGAN AAN KU SOO GARAACAYNA WALI WAXA AY KA TURJUMAYSAA JACAYL KA AAN KUU QABO, KUNA ILAAWI MAAYO INTA AAN NOOLAHAY WAXANAN RAJAYNAYAA HADII AAN IFKA ISU ARKI WAYNAY INAAN HOYGA AAKHIRO ISU ARAGNO, WAXAAN SE KAA CODSANAYAA INAAD IGA DAYSO CEEBTA IYO AFLAGAADADA TAASOO IGU KEENTA MARWALBA DHAAWAC KAWAYN KII KALA FOGAAN SHEHEENU I YEELAY , WAXAANAN KU FARXI LAHAA ADIGA OO AAN WEEDH SAN KAA MAQLO.

Intaa kadib deeq waxa uu isaga oon iyada jawaab kasugayn dhigay talefoon kii inta kali ah eegubaysayna ay ahayd intaasi uu u qodobeeyay ifraax

Hadaba aniga oo lasocday dhibaatada iyo baaxaa daga ku kali ah saxiibkay iyo sida uu xidhiidh koodu u kala go’ay , warxuma tashiilka weeraray ayaa waxa igu dhalatay maansadan oo aan ugu magac daray HAATUF CAASHAQ waxanay ahayd sidan .

1.

WAA HAATUF CAASHAQOO

HALKAAN U HOYDIYO

HEER KAAN KU SUGANAHAY

HAWRAAR KUUGU SHEGIYE

2.

KOLAY WAAN HUBAAYOO

HADIMADA KALGACALKA

ANIGAA LAHOYDOO

IFKA UGA HULEELEE

3.

KOLKAAD I HAGRATEED

IIGA HIILIN WAYDAY

HALISTAA JACAYLKEE

HALIIGAYSA BEERKEE

4.

OGSOONOW HABEEN QUDHA

HAMIGAYGA LAABTIYO

KAMAAD HADHIN BOGAYGOO

HALBAWLAHAAD KU NOOLAYD

5.

OO HANAQA IYO LAABTAAD

HADBA QAYB DAGTAAYOO

SIDA HILAACA KARANTII

KA HANQADHAA DUSHAYDEE

6.

SIDAN HAYB SIGAAGII

HABOONEEY DARAADAA

NAFTA KUUGU HURAYEEN

U HIBEEYAY AWGAA

7.

ADNA WAAD IHIIFTOO

MAAD HAGAAJIN QALBIGII

HANAQAAD JACAYL IYO

HOR ILAAH U TAAGNAA

8.

RUUX HOGA XABAASHIYO

IIL HOOSE TAGAYOO

ABID KAA HADHAYNOO

KUU HARAADAN BAAN AHAY

9.

HAYEESHEE IFRAAXEEY

HAMBALYIYO SALAAN IYO

HIBASHIYO XASUUS BAAN

KUUSOO HANEEYEE

10.

KOLKA AAD HALEESHEE

HADALQAAD KA WAAYAHA

HAASAAWAHAA GUUD

DADKU KUGU HAYBSHAAN

11.

HALKA AAN KAA XIGO

NAFTU KAMA HABAWDEE

HAWRAAR SAN TILMAANTAY

SI HUFAN U TABIYOO

12.

NAFTAA HIRDOOGLIYO

MALAB HIBITIQAAYA

U HAYSAN ABIDOO

BARYO KUGU SOO HADHGALIYE