SHEEKO YAAB LEH: Dimitri Payet oo caruurtiisa ka mamnuucay inay ku dhawaaqaan magaca CRISTIANO RONALDO

0
513
Dimitri Payet of France hits Cristiano Ronaldo of Portugal during the UEFA Euro 2016 Final match between Portugal and France at Stade de France on July 10, 2016 in Saint-Denis, France. (Photo by Ciambelli Maffia / DPI / NurPhoto via Getty Images)

Inkastoo caruurta xiddiga West Ham ay jecelyihiin Cirstiano Ronaldo misane aabahooda Dimitri Payet ayaa ka mamnuucay inay sheeg sheegaan ama ku dhawaaqaan magaciisa.

Laacibka afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xulka Portugal ee soo afjaray riyada Payet iyo xulka Faransiiska koobkii Euro 2016 inkastoo Ronaldo garoonka looga saaray dhaawac uu u geystay Payet qeybtii hore ee ciyaartii Final-ka.

Iyadoo ay jirto in Payet uu qiray in caruurtiisa ay taageero wayn u yihiin Ciristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayuu misane sheegay inaan loo ogoleyn inay ku dhawaaqaan magaca Ronaldo.

Waxaan leeyahay caruur, sidaa darteed waan fahmi karaa muuqaalka ay ka heystaan ciyaartoyda kubbada cagta,” Payet ayaa sidaa u sheegay Sport24.

“Waa taageerayaal qaar ka mid ah ciyaartoyda, waxaan ka arkaa indhahooda. Way ka helaan waxayna isku dayaan inay iska yeel-yeelaan dhaq-dhaqaaqooda, hadalkooda iyo dabaal degyadooda.

“Waxay jecel yihiin Ronaldo iyo Messi tan iyo Euro 2016, inkastoo aysan wax xuquuq ah u heysan inay ku dhawaaqaan magaca Ronaldo!”.