Shil baabuur oo maanta ka dhacay Wadada Wadnaha caasimada Hargeysa +Sawiro

0
545

Shil baabuur oo maanta ka dhacay Wadada Wadnaha caasimada Hargeysa +Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)Abaaro 12:15 Markay saacadu ahayd ayaa laba gaadhi oo kala ah bass rakaab siday iyo gaadhi yar oo nooca loo yaqaan indha-cade oo uu watay nin oday ahi ay isku galeen Wasaarada Maaliyada iyo Madaxtooyada inta u dhaxaysa ama Wakaalada biyaha horteeda.

Isku dhaca baabuurtan oo geystay burbur iyo dhaawac soo gaadhay gaadhigii yaraa ee indhacadaha iyo basskii oo xaga danbe duqadi ka gaadhay marka laga yimaado waxa halkaasi dhaawacyo fududi ka soo gaadheen Wadihii gaadhiga Yar iyo Haweenay la saarnayd oo iyana dhaawac sahlan qabtay.

Sida sawirada idinka muuqata waxa burbur xoogani soo gaadhay gaadhiga yar oo isagu gaadhiga wayn xaga danbe kaga dhacay sida aad u jeedaana waxa soo baxay ama qaraxday Air back-ta gaadhiga ku kaydsan ee loogu talo galay in ay difaac u noqoto wadaha iyo qofka barbar fadhiya marka ay galaan shil xoogan, iyada oo gebi ahaanba gaadhigii yaraa la odhan karo waxa soo gaadhay burbur aanu ka soo kaban karin ama ka dhigi kara furfur.

Hadaba iyada oo aynu hore uga soo hadalnay dhibta ama shilalka ka dhaca wadooyinka halbawlaha u ah caasimada kuwaasi oo ay inta badan geystaan basaska isaga goosha magaalada oo iyagu aan u aabo yeelin baabuurta yar iyo baarkinada loogu talogalay inay istagaan oo ay ka qaadan rakaabka ayaa soo noqnoqda iyadoo ay sabab u tahay in ay istaagan wada badhtankeeda mararka qaarna ay sababto in qofkii ka degay uu gaadhi jiidho ama iyaga gaadhi kale ku dhaco 99% shilalka ka dhaca wadooyinkaasina iyagaa masuulka ah ama u sabab ah.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10
Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here