Shir looga hadlaayo doorashooyinka dalka oo xarunta Xalane ka soconaya

0
342

waaxa qorey yaasir br

Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka ka soconaya kulan looga hadlayo arimo ku aadan Doorashooyinka dalka Soomaaliya.Kulankan ayaa wuxuu u dhaxeeya wakiika Qaramada Midoobay ee arimaha dalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka mudane, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa ah waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka in la isla garto, maadaama dhowr mar dib u dhac uu ku yimid.

Warar hor u dhac ah oo ka soo baxaya goobtaasi ayaa sheegaya in Doorashada Madaxweynaha oo loo balansanaa inay qabsoonto 30-ka Bishan uu dib u dhac ku yimid, waxaana suuragal ah in madaxda hada shireysa ay ka wada hadli doonaan arimaha ku aadan waqtiga Doorashada madaxweynaha ay dhici doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ayaa lagu wadaa inuu soo jeedin doono tallooyinka ugu macquulsan ee ku aadan xilliga Doorashada madaxweynaha dalka la qaban karo.

Michael Keating oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya inay dib uga dhaceyso xilligii lagu balamay, waxaana uu qiyaas ahaan sheegay in Doorashada ay dhici karto 15-ka bisha soo socota ee Disenber.