Shirkadda Duulimaadyada Ee AIR DJIBOUTI Oo Somaliland Laga Daahfuray Iyo Munaasibad Kulmisay Haldoorka Dalka Lagu Shaaciyey

0
567

Shirkadda Duulimaadyada Ee AIR DJIBOUTI Oo Somaliland Laga Daahfuray Iyo Munaasibad Kulmisay Haldoorka Dalka Lagu Shaaciyey

Hargeysa (Warsugan) Shirkadda Air Djibouti ayaa daah furtay duulimaadyo ay ka bilaabayso Madaarada dalka, waxaana munaasibad lagu daahfurayey lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibada lagu daahfurayey duulimaadyo shirkada Air Djibouti ka bilaabayso dalka ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Guuleed Maxamed Shire, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Dr C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, Xuseen Cumar Qunsulka Jabuuti u fadhiya Hargeysa, Mayo Volkoni, Maareeyaha Guud ee Shirkada Air Djibouti iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
img-20160928-wa0007

Munaasibadan oo masuuliyin tiro badan khudbado ka soo jeediyeen ayaa waxa ay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay imaatinka Air Djibouti ay dalka ka bilawdo hawl duulimaad, iyada oo dhinaca shirkadaasi iyo masuuliyiinta Jamhuuriyadda Jabuutina ku dheeraaday muhiimada iyo heerka xidhiidhka ay Somaliland la leeyihiin
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Guuleed Maxamed Shire oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu soo dhaweeyey Shirkadda Air Djibouti, waxaanu yidhi Wasiir ku xigeenka “Ugu horayntii ILAAAHEY ayaa mahada leh oo caawa inoo suurto galiyey inaynu halkan isugu nimaadno, mar labaadka waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuuud (Siilaanyo) oo ku suntan wax qabadka dalkiisa iyo dadkiisa, intaasi ka dib waxaan halkan ku soo dhawaynayaa shirkadan Air Djibouti oo duulimaadyadeeda bilaabaysa bishan soo socota tobankeeda oo ka bilaabi doonta Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera-ba, waxaan leeyahay soo dhawaada”.

jabuuti-air
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Dr C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo khudbad soo dhaweyn ka jeediyey munaasibada ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan ka soo qayb galo munaasibada lagu furayo duulimaadyada ay bilaabaysa Shirkada Air Djibouti waan hambalyeynayaa masuuliyiinta diyaarada ee halkan jooga, danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliland imaatinka Air Djibouti waxaan is leeyahay sahan la’aan kumay iman, waxa ay ina tusaysaa taasi in Somaliland uu suuq xor ah yahay oo uu suuq furan yahay oo suuq macaash laga heli karo uu yahay saaxiibadeen oo Ingiriis ahna ismay soo raaceen hadaan hawl badan meesha oolin, waxaan rajaynayaaa, duulimaadyadooda Berbera iyo Hargeysa ay ka bilaabayaan waxa aan soo dhaweynayaa inay Berbera na duulimaadyo ka bilaabaan, garoonkaasi waa aynu cusboonaysiinay, balse diyaaradaheenu badankoodu Hargeysa ayey isticmaalaan, markaa isticmaalka Berbera aadbaan u soo dhaweynayaa”.
14433082_1761714410712509_5643999665028517619_n1
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey shirkadda Air Djibouti, waxaanu ka hadlay horumarka uu bulsho u keeno hoggaamiyuhu, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana yidhi “Waanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub ee timid, waxaanu leenahay ku soo dhawaada Somaliland, waxa iyaduna mudan inaynu halkan ka sheegno Wasaaradeena Duulista iyo dawladdii Kuwait ee inoo maalgalisay, hadaanu Airportku dhisnayn Air Djibouti maa ay timaadeen, waxaan u mahadcelinaynaa wasiirkii hore ee Duulista Maxamuud Xaashi oo aanu barigii hore ku dambaabnay oo aanu nidhi waxbuu cunay, markii dambe ayaanu ogaanay inaanu waxba cunin ee uu dedaalay, waxaanu xusid mudan inuu dhalinyaro fir fircoona uu shaqaalaysiiyey, waxaan u arkaa inay tahay wasaaradda ugu dhalinyarta iyo shaqaalaha fiican, umadaha waxa bedela hoggaamiyaha, wadamada hoggaamiyahoodu heerka gaajada ka saaray wadankooda wax aka mid ah Ghana, Mizambique iyo Jabuuti”.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland, Shucayb Maxamed Muuse oo isna munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Dhammaan ka soo qayb galayaasha xaflada Daahfurka imaatinka Somaliland ee diyaaradda Air Djibouti, xukuumad ahaan aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa in caawa la daahfuro waa habeen taariikhi ah, sharaf weyn ayey noo tahay waxaan leeyahay shirkadda uma baahnidin inaad suuqgayn weyn samaysaan, waxa idinka xigta inay dadku maqlaan oo kaliya, waananu idin soo dhaweynaynaa”.
Xuseen Cumar Qunsulka Jabuuti u fadhiya Hargeysa ayaa isna ka nuux nuuxsaday muhiimad xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuryadda Jabuuti waan idiin mahadnaqayaa dadkiina halkan isugu yimid, iyada oo munaasibadan caydaynaysa wadajirka labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti inay danahooda wada gartaan si ay u gaadhaan midnimo iyo horumar, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku dedaalay inuu xoojiyo gaadiidka”.

Mayo Volkoni, Maareeyaha Guud ee Shirkada Air Djibouti ayaa isna ka hadlay hiigsigooda ka hawl galka Somaliland, waxaanu hadaladiisii ka mid ahaa “Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee madasha fadhida waxaanu uga mahadcelinaynaa soo dhawaynta ay dalka nagu soo dhaweeyeen, waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego bilawga duulimaadyada diiyaarada Air Djibouti iyo iskaashi ina dhex mara.
Jabuuti waa ay koraysaa, sababta oo ah waxa la galiyey maalgashiyo dibadeed, sidoo kale Hargeysa waa xaami, laakiin marka xaqiiqada laga hadlo koritaankan dhaqaaluhu waxa uu ku dhisan yahay Ganacsi iyo Caalamka oo iskaashaday, laakiin arintaasi la’aanteed wax kala soconayaa ma jireen.
14519849_1761714580712492_673790825992106902_n
Tusaale ahaan iskaashiga marbuuu caqabad yahay oo imika maalgashiga dibadeed ee dawladdaha waaweyn ku samaynayaan Jabuuti mararka qaar ma keeni karo horumar sii buuran, laakiin Ganacsiga iyo Iskaashiga gobolku waxa uu keeni karaa horumar guulaysta, marka aad maqashaan Air Djibouti, kaliya maaha in dad socdaalaya la qaadayo, sidoo kale alaabo ayaa la is weydaarsanayaa ay shirkadu qaadayso, taasina waxa ay sahlaysaa in alaabaha la gaadhsiiyo Afrika, iyada oo aan laga soo qaadayn Dubia, balse halkan oo Afrikada bari ah laga qaadayo lana gaadhsiinayo Afrika, wana kaasi ganacsiga gaadhaya Afrika iyo horumarka la samaynayaa, Somaliland iyo Air Djibouti xidhiidh ayaa ka dhaxeeya oo dad badan oo London ka yimaada ayaa jira, waxaananu dhamaadka sanadkan bilaabi doonaa duulimaad London ka imanaya oo Djibouti soo gaadhaya, kaasi oo dadku ka faa’iidaysan doonaan, waxaananu sidoo kale ka qayb qaadan doonaa inaad gobolkan ka heshaan Aqoonsi, gaar ahaan dhinaca duulimaadyada, waananu soo dhaweynaynaa tartanka, waananu soo dhawaynayaa inay Shirkado kale oo caalamiya ah halkan yimaadaan, waayo waxa ay kordhinayaan Ganacsiga iyo Isku socodka bariga Afrika, waxaana loo baahan yahay iskaashi caalami ah, tanina aas aas ayey u tahay baan filayaa, waxaanan ku soo koobayaa aniga iyo kooxdaydu waxaanu bulshada kala shaqaynayaa inay gaadhaan horumar ganacsi Caalami ah iyo iskaashi”.

Ridwaan Axmed Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada Air Djibouti oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamaanka, Cuqaasha, Salaadiinta, Marti sharafta inooga timid wadanka Jabuuti,Safiirka Wadanka Jabuuti u fadhiya Hargeysa iyo marti sharafta kaleba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Sharaf weyn bay noo tahay maanta inaanu halkan ku daah furno imaatinka Diyaarada Air Djibouti oo duulimaadyadeeda ka bilaabi doonta Somaliland, waxa aan aad ugu mahadnaqayaa marti sharafta nagala soo qayb gashay hawshan, cid kasta oo qayb ka qaadatay hawl galinta iyo inay diyaardaasi suuro gal ka noqoto inay wadanka ka bilawdo duulimaadyadeeda 10 bishan dhawaan inoo bilanaysa, waxaan rajaynaa in dhammaan dadka reer Somailand nagala soo qayb galaan kuna duulaan, iyaga oo ku raaxaysanaya diyaaradda Air Djibouti, mar labaad iyo mar sadexaad dhammaan marti sharafta ka soo qayb gashay waanu uga mahadcelinaynaa ka soo qayb galka ay naga ajiibeen inaanu ugu yeedhno daah furka Diyaaradda Air Djibouti inay dalka ka bilawdo duulimaadyo”.

Mr. Clinton Bords oo ka mid ah guddiida Sare ee Shirkadda Air Djibouti ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Aniga oo ah wakiil ka socda shirkadda Air Djibouti, isla markaana muddo dheer wakiil uga ahaa shirkadan Kenya iyo wadanka Koonfur Afrika, waxaanu la soo xidhiidhnay garoonkana laga fuliyey mashaariicda guulaystay ee ay shirkada dhinaca hawaduna ansixiyeen heerkiisa ammaan, waxaananu sanadkii hore u soo dirnay dad khabiir dhinaca diyaaradaha ah, taasi oo ay xaqiijiyeen in Somaliland socdaalka dhinaca diyaaraduhu suurto gal yahay oo ay ammaan tahay, waxaananu ka taageeri doonaa inaanu caalamka ku qancino inay socdaalo caalami ah yimaadaan, waxaana duulimaadyada aanu bilaabaynaa yihiin kuwo loo socdaalayo Jabuuti, Wadanka Koonfur Afrika iyo UK”

Edna Aadan, Maamulaha Edna Hospital and University ayaa iyana munaasibada hadal soo dhaweyn ah ka jeedisay kana xog warantay abaalka Jabuuti ku leedahay Somaliland, waxaanay tidhi “Waxa sharaf iyo farxad ii ah in Air Djibouti ay soo cago dhigato dalka Somaliland, iyada oo horeba ay duuli jirtay, kalmadaydu waxa weeyaan soo dhaweyn aan u fidinayo oo aan aad ugu diirsaday walaalaheen, dalkeena iyo saaxiibadeen Jabuuti, aniga waxaad ii haysataan qof reer Somaliland ah, waayo waan ahay oo Hargeysa ayaan ku dhashay, laakiin waxa aan ahay Jabuuti ayaa iga soo saartay, iyada ayaan wax ku bartay oo aan ku koray, waxna iga dhigtay, Jabuuti haddii aynu soo dhaweyno waa ay inagu leedahay soo dhaweyn, sanadkii 1988-kii markii diyaaraduhu halkan ka kacayeen ee ay magaalada duqaynayeen halkee loo cararay inbaa Itoobiya u carartay, ina Jabuuti ayey u carartay, ehelkood bay ku carareen, walaalahoodbay ku carareen, kii lanagu soo dhaweeyey ee ka dhaawaca ah lagu dhaawac tiray ee ka dhoofaya loogu fududeeyey ee qoxoontiga iyo taajirka si siman loogu qaabilay waxa uu ahaa Jabuuti, halkan inagu Telefoon maynaan lahayn inta uu halkan ka tago oo uu sadex iyo afar habeen soo dhaxo ayuu Jabuuti Telefoon ka dirsan jiray, dakadeenu may shaqaynayn oo halkan waxba ma imanayn dooni ayaa dadka wax loogu soo qaadayey, Jabuuti soo dhaweyn laban laaba iyo toban laab ah ayey leedahay, waanay inagu leedahay dad garta inuu ILAAHEY inaga dhigo ayaan ALLE ka baryayaa.

Waxaan leeyahay Air Djibouti shacabka ayaa idin soo dhawaynaya, Xukuumadda ayaa idin soo dhawaynaysa, dadka jecel walaalnimada ayaa idin soo dhaweynaya, dadka jecel safarada raaxada leh ayaa idin soo dhawaynaya”

Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), La taliyaha Madaxweynaha ee Wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xaflad aad u saraysa weeyi, Jabuuti waa walaalaheen sidaa Edni sheegtay waa ay ina soo dhaweeyeen waa umad aynu diin iyo dhaqan wadaagno in maanta diyaaradeedu inoo timaado waxa weeyi fursad weyn inaan ku dedaalno mar walba diyaaradooda oo aan raacno weeyi , xidhiidhkan diyaaraduna waxa uu noqon doonaa mid xoojiya xidhiidhkeena labada wadan, waxaan rajaynayaa inay noqoto diyaarad kobcisa inaynu is dhex galno”.

C/waaxid C/raxmaan C/qaadir Wasiiru dawlaha wasaaradda Beeraha Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay shirkada Air Djibouti inay dib dalka ugu soo noqoto, waxaan xusuustaa faa’iidooyin badan oo ay dalka ka samayn jirtay, sanadkii 2002-dii oo ay socdaalo ka samayn jirtay dalka waxaan xusuustaa socdaalo aan u raacay Jabuuti inaan ku raacay $90, maantan waa aynu isla garanaynaa inta uu taagan yahay, waxaan rajaynayaa inuu suuqa tikidhada xorta uu qiimaha tikidhada wax ka bedeli doono, Insha Allah dadku ay faa’iido ka heli doonaan, waxa kale oo aan u rajaynaa shirkadu inay guulaysato, waa ganacsi oo ganacsiguna tartanka iyo horumarkaba waa garab istaag, waanu garab joognaa waanu ku faraxsanahay inay soo noqoto, wadamada Jabuuti iyo Somaliland xidhiidh iyo dhaqan ayaa ka dhaxeeya, xukuumadda Somaliland-na diyaar ayey u tahay inay xoojiso, waxaan xusuusanahay markaan Jabuuti tago sidii dalkaygii labaad ayaan ula dhaqmaa, dadkuna waa dad Soomaaliyeed oo dhaqan iyo diinba wadaagno, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle-na waanu ku hambalyeynayaa horumarkaa uu gaadhsiiyey dalkiisa”

Sharmaarke Axmed Maxamuud Geelle, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa isna soo dhaweeyey shirkadda Air Djibouti, waxaana hadalidiisii ka mid ahaa “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waan salaamayaa, guddoomiyaha Xisbiga UCID-na waan salaamayaa, waxaanan ku faraxsanahay inay maanta garabkooda soo buuxiyaan oo taasi ina tusayso inaynu wax badan ka midaysanahay oo aynu maalgashiga caaalamiga ah soo wada dhawaynayno, si gaar ah ayaan u soo dhaweynayaa diyaarada Djibouti Air oo ku soo biiri doont saaxada diyaaradaha ee dalkeena yimaada, waxaan doonayaa inaan uga mahadceliyo dawladda maalinba cid inoo soo xaraynaysay, agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista, Maamulaha Madaarka iyo shaqaalaha madaarka oo tacabka iyo dedaalka ay sameeyeen ay keenayso in maalinba cid cusubi ina soo xiisayso oo ay jeclaysato inay dalkeena ka shaqayso, aniga oo ku hadlaya afka hay’adda shaqalaha waxa aynu shirkada u balanqaadaynaa shaqaale hufan oo jajaban oo qiimo leh oo sii jeclaysiiya inay Somaliland la macaamilaan”