Shirkii 4aad Ee Wada Xaajoodka Ahaa Ee Dhexayey Dalalka Somaliland Iyo Ethiopia Oo Maanta Si Rasmi Uga Furmay Magaalo Xeebeeda Iyo Berbera Iyo Qodobadii Lagaga Wada Hadlay + Sawiro‏

0
571

Shirkii 4aad Ee Wada Xaajoodka Ahaa Ee Dhexayey Dalalka Somaliland Iyo Ethiopia Oo Maanta Si Rasmi Uga Furmay Magaalo Xeebeeda Iyo Berbera Iyo Qodobadii Lagaga Wada Hadlay + Sawiro‏
Berbera(Warsugannews) Xukuumada Somaliland iyo wefti balaadhan oo ka socda dalka Ethiopia ayaa marsada Berbera wada jir uga dhagax dhigay barxad ay yeelan doonto dekedda Berbera oo gaar u ah qalabka iyo badeecadda kala duwan ee dawladda itoobiya kala soo degi doonto dekedda Berbera. Dhigax dhiga dhulkaasi iyo dayr lagu wareejin doono ayaa qayb ka ah wada hadalkii 4-aad ee Somaliland iyo Ethiopia dhex mara oo shalay ka furmay Berbera. Kulanka ayaa soconaya saddex maalmood waxaana la filayaa in lagu soo gabogabeeyo wada hadallo socday sannadadii u dambeeyay.

Dawladda Somaliland ayaa isha ku haysa sidii dalka Itoobiya oo dad ku dhaw 90 Milyan ku nool yihiin uga faa’iidaysan lahaayeen dekedda caalamiga ah ee Berbera. Dawladda Itoobiya ayaan lahayn wax bad ah, waxaanay hadda si buuxda ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti. Somaliland iyo Itoobiya ayaa sanadadii u dambeeyay ka wada hadlayay heshiis lagu casriyaynayo dekedda Berbera laguna dhisayo jidka isku xidha Ethiopia iyo Berbera, mashruucaasi oo la yidhaahdo Berbera Coridor.

maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Xoor xoor), ayaa sharaxay barxadda loogu talo galay in alaabta dalka Ethiopia kala soo dego dekedda Berbera lagu sii hakiyo inta loo rarayo dalkooda (Ethiopian transit yard) “Maadaama oo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya socdo, shirkiina Berbera ka socdo, waxaa inoo sharaf ah inaynu dhulkan dhagax dhigno. Halkan waxaynu ku dhagax dhigaynaa Dayrkii Koontiindharada loo dhigayay Itoobiya oo dhakhso u bilaami doonta inshaa Allah. Heshiiskaa muddo dheer baa laga shaqaynayay, waxaana ka go’an Somaliland inay hirgaliso heshiiskaasi, waxaana laga wada hadlayaa qodobaddiisa iyo farsamo ahaan. Deked ahaan dhulkan waanu diyaarinay waxaanan ugu talo gallay in la dhigo koontiindharada iyo badeecadaha kale ee Itoobiya u socda,” ayuu yidhi Eng Xoor-xoor.

Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Ciddin, ayaa isna tilmaamay inay diyaarinayaan meelo u qalma miisaanka badeecadda dawladda Itoobiya maadaama la saxeexayo heshiiska labada dal. Sidoo kalena badhasaabka Gobolka ayaa tilmaamay in mashaariic balaadhan oo kala duwan ka socoto balaadhinta degmada, islamarkaana uu maareeyaha ku barbar taagan yahay sidii dekedda Berbera u noqon lahayd mid casri ah oo horumarsan.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Xuseen Aadan Cige(Xuseen Dayr), ayaa rajo fiican ka bixiyay barxadda koontiinarada la dhagax dhigay iyo isticmaalka dekedda Berbera ee Itoobiya oo uu ku sifeeyay mid horumar horseedaya “ Inshaa Allah, waxaydun arki barxaddaas oo koontiindharo badani is dulsaaran yihiin oo shaqo badani ka socoto. Dalka Itoobiya ee walaalaheen ah waxaa inoo socda wada hadal la xidhiidha ganacsiga iyo in Itoobiya alaabada soo marsato halkan, sidaasi darteed waxaan bogaadin iyo dhiiri galin u dirayaa maareeyaha dekedda Berbera oo runtii shaqo qiimo badan qabtay. Dekedda Berbera oo la horumariyo oo laga shaqeeyo ayaa keeni karta citiraafka, Xukumadda Siilaanyo ahaana diyaar baanu u nahay inaanu ka shaqayno waxkasta oo dawladda Itoobiya is fahankeena iyo ganacsigeena iyo xidhiidhkeena kor u qaadaya,” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Geesta kalena safiirka Itoobiya u qaabilsan ganacsiga dibadda Ambasador Salebaan oo weftigan hoggaaminayay ayaa tilmaamay muhiimadda xidhiidhka labada dal iyo heshiiska socda “Waxaan jeclahay inaan idiinka mahadceliyo diyaarinta Barxaddan ujeedadeedu tahay qalabka, si loo hirgaliyo heshiiska ku saabsan ka faa’iidaysiga dekedda. Waxaanu halkan u joognaa dhagax dhigga Dayrka muhiimka ah ee Kaargooga Itoobiya. Muhiim uma aha oo kaliya dekedda laakiin waxay muhiim u tahay xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxay sidoo kale ka turjumaysaa xidhiidha wanaagsan iyo horumarka wada jirka ah iyo iskaashiga ammaanka gobolka kaliya maaha labadeena dale e gobolka oo dhan,” ayuu yidhi ambasadorku.

Ambasador ka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay siday isugu xidhan yihiin horumarka iyo ammaanka Somaliland iyo Itoobiya iyagoo saamaynna ku leh degennaanshaha iyo horumarka wadamada gobolka “Ma haysan karno nabad waarta bilaa horumar. Fakhrigu waa ka ugu weyn ee sababa dagaalka iyo degenaansho la’aanta, taasna waxaa lagu suulin karaa kaliya horumar wada jir ah. Horumarka Itoobiya kaliya wuxuu imanayaa marka uu horumaro wadamada dariska ah,” ayuu yidhi Ambasadorka oo intaasi raaciyay inuu rajo fiican ka qabo horumar laga gaadho heshiiska labada dal iyo ka faa’iidaysiga dekedda Berbera ee Itoobiya doonayso inay badeecadaha kala duwan kala soo degto.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29