Shirkii Xisbiga Kulmiye Washington DC Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka qayb galay.‏

0
716

Washington DC(Warsugannews)Warsaxaafadeed: May 9th, 2016-Xisbiga Kulmiye qaybtiisa Washington DC ayaa habeenimadii Sabtida ee Bisha May 7-deeda ku yeeshay kulan balaadhan oo isugu jira xaflad iyo casho sharafeed. Waxa kulankan kala qayb galay oo cashada lagu sharfay Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale; Waxa goobta ka hadlay Ibrahim Cabdi Warsame, Yaasin Maxamud Mire, Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Rashid Garuf, iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada, Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waxay dhaaantoodba ka hadleen baahida loo qabo in la guda galo lana dardar geliyo hawlaha xisbiga Kulmiye si loogu diyaar garoobo doorashada soo socota sannadka 2017ka.

FullSizeRender (2)

FullSizeRender (3)
Waxa qudbad aad u qiima badan halkaa ka jeediyay Cabdicasiis Maxamed Samaale, hadalkiisu wuxu isugu jiray waano iyo wacdi diimeed oo uu dadka ku waaniyay cabsida illaahay. Wuxu ku dheeraaday taariikhda xisbiga Kulmiye, marxaladihii uu soo maray gaar ahaan in marar badan muran siyaasadeed xisbiga gudihiisa ka dhacay, iyo in mar walba xisbiga Kulmiye wada hadal iyo is afgarad kaga gudbayay marxalad kasta oo la soo gudboonaata. Wuxu ka hadlay shirkii Kulmiye iyo murankii siyaasadeed ee ka dhashay, wuxu u sheegay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee goobta fadhiyay; inuu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga Kulmiye, inuu ka tirsan yahay golaha dhexe, inuu ka mid yahay gudida fulinta xisbiga, inuu marwalba jecel yahay horumarka iyo guusha xisbiga Kulmiye. Wixii xanaf ahaa ee Shirkaa ka dhashayna lagu dhamayn doono is afgarad iyo wada hadal marka uu dalkii ku noqdo. Wuxuu taageerayaasha Kulmiye ee goobta fadhiyay ku yidhi; markaan Hargeysa gaadho war aad ku faraxdaan mooyaane marnaba ha iga filina inaad maqashaan wax aad dhibsataan, taas ayaa Kulmiye dhaqan u ah. Dhamaan dadkii goobta fadhiyay waxay aad u soo dhoweeyeen oo sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyeen hadalkii qiimaha badnaa ee wacdiga, waanada iyo guubaabada lahaa ee uu u soo jeediyaya Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxu tegayaa maalinta Salaasa ee bisha May 10keeda gobolka Minnesota; halkaas oo ay ugu diyaar yihiin dhamaan taagerayaashii xisbiga Kulmiye, wuxu ku soo noqon donaa Washington DC si uu uga qayb galo shirka bisha May 20keeda ka dhacaya Washington DC isaga oo ku metelaya xisbiga Kulmiye. Shirkaas waxa ka soo qayb gelaya dawlada Somaliland, xisbiyada qaranka, gudida doorashada qaranka, xildhibaano, Professors wax ka dhiga Jaamacadaha Maraykanka, aqoon yahano reer Somaliland ah, iyo dhamaanba jaaliyadaha reer Somaliland ee jooga Maraykanka.

Illaah baad mahad leh.

Kulmiye Washington DC

kulmiyewashingtondc@gmail.com