Sida Dadka Dhintay Loola Sheekaysto.

0
469

Sida Dadka Dhintay Loola Sheekaysto.

Wali ma is weydiisay sidii aad uula sheekaysan lahayd qof dhintay oo waayo arag ahaa ama xikamd iyo aqoon lahaa, ama sida adiga laguula sheekaysan lahaa marka aad dhimatid?

Bal qiyaas.

Sixir ma aha, bal ka fakar inta aanad hore u sii akhriyin maqaalkan.

Try again.

Haddii aad garatay waad garatay, haddi aanad garana waa laguu sheegayaa.

In aad waayo aragnimo aad wax ku baratid oo aad wax kasta tijaabisid, si aad ugu guulaysatid ama ugu dhacdid waa arrin macquul ah laakiin natiijada in aad ku guulaysatid marka ugu horesaa waa nasiib.

Haddii aad ku guulaysan waydid marka hore ama waad iska dayn shaygaa ama haddana waad ku celin (try again) si aad marka labaad ugu guulaysatid. Shaygaasi waxa uu noqonayaa nasiib in aad ku guulaysatid (by chance hence lottary) haddii aad ku guulaysatidba waxaa laga yabaa in ay wakhti badan, tacab badan, lacag badan iyo khaladaad badan kadib in aad gaadhid arrin aad ku gaadhi lahay si fudud.

Arrin kasta aad doonaysid in aad ku guulaysatid ama aad natiijo ka gaadhi 3 shay ayaad sida ugu dhibka yar, ugu dhakhsaha badan iyo sida ugu guusha badan aad ku gaadhi kartaa.

1) Research, baadhitaan

2) Plan, hab

3) Action, in aad ku dhaqaadid arrintii.

4) Try again, haddi aad ku guulaysan waydid in aad ku celisid liiska 3da hore.

Haddii aynu u soo noqono suaashii uu article kani ku bilaabmay, jawaabteedu waa 1) research baadhitaan, baadhitaanku waa in aad wixii akhridid ama aad soo baadhid. Qof wax kuu sheega ma hashid laakiin qof wax ku siiya waad heshaa.

Haddaba haddii ay wax kuu sheegayaan dadkii dhintay ma kula tahay in aad u baahantahay in wax kuu sheegaan dadka nooli, dadka dhintay ee xikmadda ama aqoonta lehi badankoodu buugaag aya qoreen oo ama diinta ama maadi ha ahaadee.

Ama dadkii dhintay la sheekayso ama wax ka dhagayso waa akhrinta buugaagta ay qoreen dadkii dhintay.

Aduunyadana wax cusub ma jiro, kuwii hore ee dhintay wixii ay khibarad iyo waayo arag u ahaayeen haddi aad akhridid aduunyada maanta waad ka horeysaa. Aduunyada shay kastaa wuu soo noq noqdaa, wixii hore u dhacay haddii aad ogtahay waxa soo socdana waad qiyaasi kartaa.

Ahmed mino
London
Xisbiga shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here