Siddeed u hanan kartaa shaqaalahaaga

0
463

Siddeed u hanan kartaa shaqaalahaaga

Haddii aad tahey ganacsade doonaya inuu ganacsigiisu hana qaado, horumaro isla jeerkaasna gaadho hamigiisa iyo hiigsigiisa waa muhiim inaad hesho shaqaale hawsha si hufan oo hagarla, uga soo baxa, waana hantida kaliya ee hadday daacad noqoto uu ganacsigu u baahan yahey, haddii ay ka caga jiido hawlaheedana ay gun iyo baar isku dumeyso hawshaasi.
Maamulida ilma Aadan aad bay u adagtahay marka loo eego waxyaabaha kale oo dhan balse waxad ogaataa in wax kasta oo dadaal la galiyaa uu midho dhalo tanina kama foga.
Haddaba haddii aad tahay masuul ay hoos yimaadaan shaqaale waa xil ku saaran inaad noqotid qof wanaagsan oo xilkasnimo leh si ay shaqaalahaaguna kaaga daydaan “Awrba awrka ka horeeya socodkiisu leeyahay”.
iyadoo ay adag tahey in la hanto quluubta dadka sideynu ka soo afeef dhiganey, haddana qoraalkan waxeynu kusoo qaadan doonaa qoddobo dhawr ah oo ay tahey in ay Maamulayaasha shirkaddaha iyo xafiisyaduba ay aad ugu fiirsadaan dabadeedna dabaqaan si ay u gaadhaan horumar la taaban karo.

1. Furfurnaan: waa in wajigaaga laga dheehdaa soo dhaweyn iyo inaad diyaar u tahey wixii caqabad haysata shaqaalahaaga iney kuula iman karaan iyagoon war war iyo walaac toona ka qabin la kullankaaga, sidoo kalena isku day inaad ka war hayso xaaladooda gaar ahaaneed adoon ku talax tageyn, isku day wakhtiyada shaqada lasoo galo inaad la wadaagta salaan diiran oo ay ka muuqato dhiiri galin.
2. Karti: kartida iyo dhiiranaanta wax qabad ee ay kaa arkaan ayey hadba soo celinyaan iyaguna, tusaale adigaaba ah waraabe u taag iyaguna waxey noqonayaan kuwo aan waxba soo kordhin oo ishaada uun iska eega.
3. Maamul daadajin: qodobkani waxa uu noqon karaa hababka u muhiimsan ee shirkad, ganacsi amaba xafiis kaleba horumar loo gaadhsiin karo, waxa aad u fududaanaya isla xisaabtanka iyo is ogaanshaha iyadoo shaqaalaha laftooda mas,uul laysaga dhigayo si ay adigana kuugu soo gudbiyaan wixii xog ah eed uga baahantahey.
4. Xisaabtan: in xisaabtanku muhiim yahey waxa kuu cadeynaysa iney idilkeenba Aakhiri inaga danbeyso oo aan saxar laysku dhaafeyn, waxaan xisaab laheyna wax manfaca ah kuma danbeeyo, waa in kulano joogto ah loo sameeya shaqaalaha si ay iyaguna si joogto ah wax qabadkooda ugu cabiraan.
5. Horseed: wanaag walba oo meesha ka jira iyo daadaal kasta waa inaad adigu horseed ka noqotaa si ay isku waafaqaan meeqaamkaaga iyo waxqabadkaagu.
6. Is xilqaan: waa inaad xil badan iska saarta hawlaha aad gacanta ku haysid si ay iyaguna iskaga saaran mid kaa kasii badan.
7. Isweydiin iyo wada tashi: midna hawga tagin wuu yar yahey, waa caajis iyo wax fikira kama dhiiban karo arinkaa, laga yaaba inuu xalku kaa maskaxdiisa ku jiro, inaad wada tashi la sameyso shaqaalaha, isla markaana talooyikooda u dhag raariciso wixii wax ku ool ahna ka gunudo.
8. Dhiiri galin: si aad u hanato shaqaalahaaga waa inaad qofka firfircoon ee daacadda u ah horumarka hawsha siiso wax lagu abaal marinayo ha noqoto dalacaad, u kordhin mushahar amaba nooc kale oo abaal marin ah.

ALLAA-MAHAD-LEH
W/Q: Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)
hibafaakhir@gmail.com