Sidee Ayaad Jidhkaaga Uga Saari Karta Sunta Qarsoon

0
674

Sidee Ayaad Jidhkaaga Uga Saari Karta Sunta Qarsoon
Waxaa jira arrimo badan oo sababi kara in suntu ay u gudubto jidhkaaga sida qaadashada cuntada aan nadiifta ahayn, sigaar cabbista, jimicsi la’aanta iyo wasakhowga hawada.
Waxaa jira cuntooyin ku wasakhaysan bakteeriyo oo sababi kara sumowga, waxaa dhici karta in cuntooyinkani ay u egyihiin kuwo aan wasakhaysnayn marka la eego muuqaalkooda, dhadhankooda iyo urtooda.

Sida ay dhakhaatiirtu sheegaan, jidhka bini aaadamku waxa uu iska yareeyaa ama iska saaraa sunta xilliyada kaadida iyo dhididka.
Calaamadaha aad ku garan kato hadii jidhkaagu sumaysan yahay:
• In muuqaalkaaga carrabkaaga uu isbedelo oo uu noqdo huruud ama cadaan.
• Cuncunka jidhka
• Madax wareer joogto ah
• Daal joogto ah
• Hurdo la’aan
• Dildilaaca dibnaha
Sida sunta jidhka looga Saaro
• Dhidid badan oo la iska keeno.
• Sharaabka laga sameeyo sinjibiisha, liin dhaanta iyo tufaaxa. Waa la isku qooshaa waxaa la cabbaa aroorta hore quraacda ka hor. Sharaabkaan ayaa maalin gudaheed jidhka kaga sifeeya sunta.