Sidee Baynu u Qaabilnaa Bisha Ramadaan ee Barakaysan

0
805

Waxaynu halkan kaga warami doonaa sidee bay tahay in aynu u qaabilno Bisha Ramadaan ama qaabkii iyo dariiqii aynu u soo dhowayn lahayn Ramadaanta, Muxuuse yahay Micnaheedu, Muxuuse illaahay uga fadilay bishan dhamaan bilaha kale oo dhan?  Waxaanu kaloo kaga warami doona arimo badan oo la xidhiidha bishan Barakadaysan iyo sidii ay asxaabtii ay u gudan jireen.

Waxay ahaayeed dadkii hore ee muslimiinta ahaa ee ka mid ahaayen Asaaxabtii Rasuulka (CSW) kuwo garanayay qiimaha ay leedahay bisha ramadaan, inagana ku dayasho ayaa inooga sugan, si aynu u raacno dhaqankii wanaagsanaa ee ay ka dhexleen Rasuulka (CSW).

Hadaba waxay ay ku hamiyi jireen bisha ramadaan, waxayna ku farxi jireen bisha ramadaan, markay ay bilaabmato waxayna illaahay ay ka beryi jireen in uu gaadhsiyo bisha ramadaan, marka ay gaadhaan waxay illaahay ay waydiisan jireen inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadoonyinka kale, waxayna soomi jireen ramadaanta maalin kastoo ka mid ah iyagoo aad iskaga ilaalinaya waxyaaba soonka daciifiya sida laqwiga, dheel dheelka, xanta, isku dirka dadka iyo beenta, asxaabtu waxay habeenkooga ay ku noolayn jireen salaatu layl Qur’aanka akhriskiisa, waxayna u samo fali jireen ama ay u naxariisan jireen dadka masaakiinta ah iyo faqarada, iyagoo siinayay cunto iyo waxyaabo ay ku soomaan. Waxay nafahooda ay kula jihaadi jireen adeecida illaahay, cadowga islaamkana waxay kaga jihaadayeen siday kalmada illaahay ay u sarayso,

Dagaalkii Badar ee ay ku jabiyeen cadowga illaahay waxa uu ahaa 17-kii Bisha Ramadaan, dagaalkii kale ee lagu furtay Maka waxa uu ahaa 20-kii Bisha Ramadaan, waxayna ahayd markii dadku diinta koox koox ay u soo galeen magaaladii Makina ay noqotay maagalo islaamka.

Hadaba Bisha Ramadaan maaha bil dheel dheel, hurdo iyo caajisnimo sida dadka qaar u haystaan, laakiin bisha ramadaan waa bishii jihaadka iyo cibaadada iyo camalka fiican. Sidaa darteed ayay waajib inagu tahay in aynu u qaabilno si farxad leh iyo karaamayn.

Bishan Ramadaan Illaahay (SW) ayaa u doortay oo nagu waajibiyay in aynu soono, waana bishii la soo dajiyay quraanka kariimka ah si dadka looga saaro mugdiga iyo dulmiga si ay u gaadhan xaqa iyo nuurka. Hadaba sidee baynu ugu farxeen bisha ramadaan? Waa bisha la furo albaabada janada, kuwa naartana la xidho, shayaadiintana la xidho. Waa bisha xasanaadka la labalaabo, muumiintana darajooyinkooga la dalacsiiyo dhinaca illaahay gafafka iyo danbiyadana laga dhaafo.

Waxa inala gudboon in aynu ka faa’iidaysano fursada nolosha ee caafimaadka iyo shabaabnimada ay ka mid yihiin, inagoo uga faa’iidaysanayna illaahay adeecidiisa iyo wanaajinta cibaadada illaahay, kana faa’iidaysanayna fursada bisha ramadaan ee barakaysan.

Waa in aynu cusboonisiina balankaynu illaahay la galnay, inagoo la imanayna toobad dhab ah oo aynu  markasta ka toobad keeno dunuubteena inagoo ku sugnaanayna adeecida illaahay, u hogaansanaata amaradiisa iyo ka fogaashaha waxyabaa la inaga reebay si aynu uga mid noqono kuwa liibanay.

Maalinta aynan ina anfaceen maalka iyo ubadku mid la yimaada qalbi wanaagsan mooyane” Ilaahay run ayuu sheegay koreeye markuu yidhi “ninka adeeca illaahay iyo rasuulkiisa ayaa liibanay liibaan wayn

Hadaba waa in aynu xafidno waxyaaba illaahay inagu waajibiyay iyo waxyaaba laga jecel yahay illaahay agtiisa oo aynu ka dheerano waxyaaba la inaga xaarantimeyay bisha ramadaan ee barakaysan iyo wakhtiyada kaleba, inagoo raacayna oo hadalka illaahay “Rabigaaga caabud ilaa inta ay yaqiintu kuu imanayso” ilaa aad dhimanayso “waxa aad tidhaahdaa salaadayda wax gawricidayda, noloshayda iyo dhimashadaydaba illaahaybay u sugnatay rabiga caalamiinta, cidna shariig yeeli maayo sidaas baana la i amray, waxaan ahaanayaana kuwa ugu horeeya muslimiinta”.

Waxa inala gudboon in aynu ku qaabilno Bisha Barakaysan go’aan dhab ah soomideeda iyo soo jeedkeedaba, inagoo rumaysan illaahay oo isaga agtiisa naxariis iyo danbi dhaaf ka rajaynayna, waa in aynu ka soono xaga hadalka kiisa xun, indhaha iyo araggooga, dhegaha iyo maqalkooga, cuntada iyo cabida la inaga xarimay si aynu illaahay agtiisa uga helno danbi dhaaf oo aynu uga mid noqono kuwa naarta laga xoreeyay, waxa inala gudboon in aynu xafidno eedabta soonka ee ay ka mid tahay suxuurta oo dib loo dhigo iyo afurka oo la soo dedejiyo marka aynu ogaano in ay cadceedu ay dhacday, camalada wanaagsan iyo khayrka oo la siyaadiyo.

Qofka sooman oo haddii cidi aflagaadaysay ku yidhaa “anigu waan soomanahay” aanu isagu cayin cidii cayday, waa in aanu qofka soomani qofkii xumaan kala horyimaada xumaan kale ka hor geeyn ha ugu jawaabo kalmad wanaagsan, si uu ugu dhamaystirmo soonkiisu camalkiisana loo aqbalo, waxa inala gudboon in aynu hawl kasta oo aynu qabanayno u qabano illaahay dartii, soonkeena, salaadeena iyo dhamaan camaladeena. Illaahay camalna ma aqbalo wixii aan ahayn mid ilaahay wiji laga doonayo, camalka wanaagsan ee illaahay dartii loo qabto ayuunbaa waafaqsan sunaha Rasuulka (CSW).

Waxa inala gudboon haddii aynu nahay dad islaam ah in aynu xafidno salaada taraawiixda inagoo ku dayanayna Nebiga (CSW) iyo asxaabtiisa, inagoo illaahay ka rajaynayna ajar iyo xasanaad, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Ninka u kaca ramadaan cibaadada illaahay isagoo illaahay rumaysan wanaagna ka rajaynaya illaahay wuu ka dhaafa danbigiisa wixii hore u galay

Waa in aynu ku noolayno bisha ramadaan tobanka habeen ee ugu danbeeya salaad, iyo qur’aanka oo aynu akhrino, xuska illaahay oo aynu badino iyo inagaa illaahay wanaag waydiisana oo xumaan iyo ciqaabtiisana ka magan galayna, inagoo raacayna sunaha rasuulka.

Waxa Bisha Ramadaan ku jira habeen laylatu khadri ah oo ka khayr badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sanadood iyo 4 bilood, waa habeen barakaysan oo illahaay ku sharfay soo dajintii qur’aanka, waxa hebeenkaa soo dega malaa’igta oo malaku jibriilna ku jiro. Waa habeenka qofka cibaado ku soo jeeda illaahay uu ka dhaafo danbiyadii uu galay oo dhan, waxa la gudboon qofka muslinka ah in uu habeen kasta ku dadaalo cibaada illaahay, toobada, xuska illaahay, ducada, danbi dhaafka iyo isagoo illaahay waydiisanaya janada naartana ka magan gelaya, in uu illahaay ka aqbalo toobada oo janada uu geliyo, naarta iyo ciqaabtiisana uu ka fogeeyo.

(Nebigu (CSW) tabanka dambe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuu u adkaysan jiray ehelkiisana wuu toosin jiray) inaga waxa inagu sugan Rasuulka illaahay ku dayasho wanaagsan (Nebigu (CSW) bisha ramadaan waxa uu fadhiyi jiray masaajidka)

Qofku marka uu sidaa yahay waxa ka mabnuuca ah in uu u dhowaada dumarka, waxa la gudboon qofka muslimka ah ee sooman in uu ku dadaalo qur’aanka akhriskiisa isagoo u fiirsanaya oo ka fikiraya macna qur’aanku xamaarsan yahay si uu xujo ugu noqdo maalinta qiyaame oo illaahay uga shafeeco qaado. Illaahay waxa uu kafaala qaaday ninka qur’aanka akhriyaa ee ku camal fala inuunu halaabin aduunyada aakhirana aanu halaagsamin illaahay baa yidhi “Qofka raaca hanuunka ma halaaba mana xumaado.

Waxa inala gudboon in ay darisno qur’aanka si aynu ugu liibaano afartan arimood ee Nebigu (CSW) kaga waramay (Qoom guri iskuguma yimaadan ka mid ah guryaha illaahay iyagoo ku akhrinaya kitaabka illaahay oo ku baranaya, haddii ay dhacdana waxa ku soo degta xasiloonan, waxa daboosha raxmad waxaana ku wareegta malaa’ig, illaahayna waxa uu xasuusiya cid agtiisa ah

Waxa la gudboon qofka islaamka ah in u badiyo ducada iyo danbi dhaafka uu illaahay waydiisanyo habeen iyo maalinba marka uu sooman yahay, marka uu saxuuranayo. Wakhtiyada illaahay aqbalo ducooyinka waxa ka mid ah adoonku marka uu sooman yahay ilaa inta uu afurayo, illaahay waxa uu inagu amray in aan isaga barino, waanu kafaalo qaaday inuu naga aqbalayo markuu yidhi “I barya waan idinka aqbaliyee”.

Waxa la gudboon qofka muslimka ah in uu xafido wakhtiyada nolashiisa ee gaaban ee weliba xadidan oo uu ku dabaqo wixii anfacaya iyo cibaadada illaahay ee kala duwan, kana dheerado wixii dhibaya diintiisa, aduunyadiisa iyo aakhiradiisa, gaar ahaan bisha ramadaan ee fadliga badan, taas oo kuwa aan qiimaheeda garanayn ku markaati furaysaa kuwa diiday  illaahay adeecidiisa, waxayna ku markhaatu  furtaa kuwa caasiyiinta ah iyo kuwa kaafiriinta ah.

Waxa inala gudboon in aynu nidaamino wakhtigeena si aynu uga faa’iidaysano oo aynu u xisaabino wakhtigeena, waxaynu qabanaynaa waa in uu ahaada wax ina anfaca illaahay agtiisa.

 Nidaaminta Wakhtiga.

Waxaan isku dayayaa in aan ku sawiro khad gaaban oo aad kaga faa’iidaysato wakhtigaaga bisha ramadaan ee barakaysan wax laga yaaba in aad uga faa’iidaysato bilaha kale ee nolashaadan gaaban, waxa kula gudboon marka aad tukato salaada subax  in aad masaajidka fadhiisato oo qur’aanka akhrisato iyo wardiga subaxii la akhristo oo illaahay xus intay cadceedu soo baxayso ilaa rubuc saaco ka dib inta ay cad ceedu soo baxdo, marka la soo gaadho wakhtiga la nahiyay salaada la tukado ama ilaa intii illaahay doonay waxa aad ku liibanaysaa in aad hesho ajar la mid ah ka uu helay adoon xaj iyo cimra dhamaystiran soo gutay, xadiiskaa waxa soo wariyay Tarmiidi.

Rasuulka illaahay waxa inoogu sugan ku dayosho wanaagsan, asxaabta rasuulka oo ku dayanaya Nabigeeni Suubana (CSW) markay tukadaan salaada subax illaahay ayay xusi jireen ilaa inta ay cad ceedu soo baxayso, qofka muslimka ahi marka uu fadhiisto meesha uu ku tukanayay, hadii uu seexdo inta uu shaqo tagayo ka dibna uu shaqadiisa tago kii wakhti kasta qalbigiisa uu ku jiro xasuusta illaahay oo shanta salaadoodana wakhtigooga jamaca la tukada, kaas agtiisa may ahaanin camal uga khayr badan inuu duhurka dabadii yara nasto kii oo gargaarsanaya salaatu laylka si ay hurdadiisu u noqoto cibaado.

Salaada casar ka dib marka uu akhristo wixii u fududaada ee quraan ah ama ducooyin ah, makhribka dabadii wuu tukado cishaayiga iyo taraawixda salaada taraawixda ka dibna uu soo qabsado hawlaha daruuriga ah ee nolol maal meedkiisa muda laba saacadood ku sugan ka dibna iska seexda ilaa suxuurta, ka bacdina soo kaca isagoo xusuusta illaahay qalbigiisa ku jirto ka dibna wayseesta ee tukada wixii lagu waajibiyay suxuurta horteed suxuurta ka dibna uu bilaabo xuska illaahay iyo ducooyina uu illaahay ku baryaayo isagoo danbi dhaaf iyo tooban way diisanaya illaahay ilaa ay gaadho salaada subax.

Waxa la gudboon qofka muslimka ah inuu rajeeyo raxmada illaahay uu ka baqo ciqaabtiisa inuu ahaado adoonkii illaahay wakhti kasta si muuqata iyo si qarsoonba, in uu joogteeyo xuska illaahay isagoo taagan isagoo fadhiya sidii illaahay ku tilmaamay muuminiinta.

Calaamaadka lagu garto adoomada laga aqbalay camalkooga  waa sidan illaahay tilmamay “waxa aanu wax ka aqbalaa kuwa aniga iga cabsada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here