Sidii Maanta Madaxweyne Marar Kale Na Soo Mar!!! Qalinkii: Abdinasir Mohamed Cabdulaahi

0
574

Sidii Maanta Madaxweyne Marar Kale Na Soo Mar!!! Qalinkii: Abdinasir Mohamed Cabdulaahi

Mudane Madaxweyne, waxaan hawadda kuu soo marinayaa salaanta islaamka ASalaamu laahi calaykum?
Madaxweyne bulshadu aday ku dooratay, maamuuska darajadda ugu saraysa iyo masuuliyada guud ee adeegyada kaabayaasha kala duwan ee qaranku madaxweyne adigaa ka masuula ummaduna kuu dooratay.

Sida gabaygii gudgude ee abwaan Hadraawi
“Gurgurshaagu awr-buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadhwadeenku ruux buu ka yahay, gaylan wadareede”

Mudane madaxweyne waa dabciga, tamarta, iyo taagta noolaha inaanu hogaamiye la doortay isagu shaqsiyan wada qaban Karin howlaha uu qaran weynahiisu u doorteen, balse uu u talo saarto shaqsiyaadka uu ku tuhmaayo kartida ay ku taabo-gelin karaan kuna tusmjayn karaan masuuliyadaha shaqo ee ka soo farcama xilalka kala duwan ee kaabayaasha qarankani.

Waloow aanay dunidu inala qabin, se ay ku koban tahay bulshadeena, marka la waayo wada, wada xisaabtan iyo ku daba-gal ka howlaha ay wasiiradda qaranku u hayaan bulshadii adiga ku dooratay waxaa timaada in masuul kastaa u dhaqmo sidii isaga ay farayso habdhaqanka naftiisu, kii masuuliyadaasi loo igmaday leh karaanka iyo kartida uu ku kasbanaayo wax-qabad kaafiya bulshadii ku dooratay, isla markaasina ka baqaaya ALLE subaxaana wa tacaala, kaasi waa kuwii saaka aad ugu tagtay xafiisyadooda.

Kuwo badan oo saaka waqtigu kugu simi waayay ayaa jira, kuwaas oo mudo bilo ka badan aan ka soo xaadirin xafiisyadooda, kuwaasi waxaa kow ka ah kuwo samaystay weriyayaal u gaara oo warar aan ku salaysnayn xaqiiq iyo waxqabadyo la taaban karo uga soo baahiya bulshada TVga qaranka maalin walba.

Mudane madaxweyne soo bixitaan kaagi saaka waxaa mahadisay bulshadii ku dooratay, ee in dhowaydba la’ayd cid ugu adeegta xarumahii dowladdeena, tusaale ahaan, Wasaaradda Caafimaadka Wasiiradii iyo Wasiir Dowlayaashii aad u magacawday mudo bilo ah maantay yimaadeen, waloow aanad sooba marin saaka.

Waloow ay wacan tahay hanaan iyo nidaam lagu ilaaliyo inay Wasiiradda dawladdu joogaan xafiisyadooda xiliyadda shaqa, se hadana inta taas la helaayo madaxweyne todobaadkiiba maalin wasaaraddaha iyo xaruumaha dowladda booqo kuna mar socdaal aan la sii ogaysiininn masuuliyiintaasi aad kormeeraysid. Waxaad kala ogaan kartaa kuwa qarankani daacada u ah inay u adeegaan iyo kuwa kale, bulshadii ku dooratayna waxa ay ka heli kuwaad xilalka u igmatay goobahii shaqadooda, waxaanay heli doonan cid howlaha u kala socodsiisa.
Sidoo kale waxaad ogaani kartaa agaasimayaal iyo agaasime waaxeedyo aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba si buuxda u hanan kara xilalka wasiirnimo, kuwaasi oo xili walba diyaar u aha u adeegitaanka bulshadooda, mudana in la dhiiri geliyo lana dalacsiiyo, si ay ugu noqdaan tusaale ifaya ooy hanaan-koodi shaqo higsadaan shaqaale weynaha qaranku.

Ugu danbeytii, bulshadu raali waxay ku tahay inay hesho xukuumad iyo xubnaheedi xilal ka u hayay oo qaran ka u adeegaya, hadiiba mudo kordhini dhacdo iyo hadii kaleba. Bulshadu madaxweyne weli waa ku jecel yahiin waanay ku rabaan, ee adigana ha lagaa helo daacadnimadaadi waxqabad ee taariikhda kuu galay.

Qalinkii: Abdinasir Mohamed Cabdulaahi
Email: abdinasirmaxmed@gmail.com