“Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah”Madaxweyne Biixi

0
392

Siyaasadda Arrimaha Dibedda

 

Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

  1. Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland

Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.

Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin go’aankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale, Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyey.