Siyaasi Mustafe Iid Maxamed Oo Khliaafka Xisbiga UCID Dusha U Saaray Ganacsade Ina Aw-Siciid

0
344

Siyaasi Mustafe Iid Maxamed Oo Khliaafka Xisbiga UCID Dusha U Saaray Ganacsade Ina Aw-Siciid

Siyaasi Mustafe Iid Maxamed, oo kamida madaxda sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Eedda Khilaafka Xisbiga UCID dusha ka saaray Ganacsade Ina Aw-Siciid, isagoo isla markaasina reer Saaxil u cadeeyay in aanay cidi kula socon ee ay kali ku tahay isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waa arin muuqatay wixii ka danbeeyay shirkii Golaha dhexee kulmiye, İn dagaalkii hore loogu qaaday murashixiintii kulmiye ee Goboladda Gabiley iyo Hawd iyo waliba Maroodi-jeex in mid la mida lagu qaaday Murashax Jamaal iyo beesha Saaxil. İnta dagaalkan wadaana waa intii kii kulmiye wadday, “

Siyaasi Mustafe Iid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “kan Ucid iyo Jamaala uu ka xanaf badanyahay dhacdooyin hore oo dhacayna way xasuusinaysaa, Waxa ayaan daro ah in Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo hore dagaal ugala galay Ganacsatada beesha Saaxil inuu u hirgalo qorshohoodii ay ku doonayeen inay ku maal-gashadaan warshadda sibidhkee Berbera iyo Muuse Biixoo İn gobolka saaxil la magacaabo ka dagaalamay ay maantana soo maleegayaan Shirqoolkan murashax Jamaal lagaga tuurayo murashaxnimada UCİD,”

Siyaasi Mustafe Iid ayaa waxa uu hadalkiisii kusoo afmeeray sidan “ waxan u arkaa gaf iyo meel ka dhac sharci waxay dhaawac ku tahay Dimuqradiyadda. Suuro gala noqon mayso oo reer saaxil way ka wayn yihiin kuwo inta Ganacsadahoodii iyo Siyaasigoodiiba la sadqeeyo hadana cod iyo taageero laga helo. Gabagabadii waxan beesha Saaxil u cadaynayaa in Arintaasi İna Aw-Siciid gaar ku tahay ciduu ku matalaana jirin.”