Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dhaqanka Qaar Ka Mid Ah Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Xil. Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl)

0
342

TACSI
Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dhaqanka Qaar Ka Mid Ah Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Xil. Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl)
Hargeysa-03-07-2019-(Warsugannews)- Masuuliyiinta kala ah
1. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,
2. Siyaasi Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan gadhweyne),
3. Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa-cade),
4. Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh,
5. Saleebaan Cumar Ku-joog, iyo
6. Cabdiraxmaan Cawil
waxay dhammaan masuuliyiintaasi oo isugu jira madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiintu tacsi u dirayaan golaha deegaanka Berbera, ganacsatada, qoyska, qaraabada, ehelada, ubadka, iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum xildhibaan Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl) oo 01-07-2019 ku geeriyooday dalka Malaysiya, maanta oo ay taariikhu ahayd 03-07-2019 la keenay midkiisa Magaalada Hargeysa, iyadoo lagu aasay xabaalaha baqiic. iyagoo marxuumka ku tilmaamay tiir ka mida tiirarka gobolka saaxil iyo guud ahaan dalka ahaana oday waayo arag ah. Waxaanay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu u danbi dhaafo, su’aasha qabrigana u fudaydiyo, naxariistii Janno fardawsana ka waraabiyo

AAMIIN AAMIIN AAMIIN