Siyaasiyiinta Soomaalida: Shaqadu Ma Caybaa Mise waa Sharaf? W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
355

Siyaasiyiinta Soomaalida: Shaqadu Ma Caybaa Mise waa Sharaf?
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wixii ka dambeeyey markii ay Soomaalidu dawladnimada qaadatay, waxa saaxada siyaasadda soo galay siyaasiyiintii uu soo tababaray gumeysigii dalka haystay. Siyaasiyiintaasi waxa ay ka soo aflaxeen dugsiyadii iyo shaqooyinkii uu baray gumeysigii dalka ka kacay. Markii ay xukunkii la wareegeen ee laga filayey inay isbedel horseedaan ayey halkiisii ka sii wadeen dhaqankii gumeysigu dalka keenay, dabadeed shacabkii Soomaalida ahaa ayaa ku suntay naanays caan noqotay oo ahayd” French Man with black face” waa gaal wejigiisuu madow yahay, balse maaha nin keenay wax ka duwan wixii gaalku keenay. Malahayga waxa is idhi siyaasiyiinta Soomaalida waxa ku keenay inay shaqada isku caayaan waa cusaybka aynu ku cusub nahay dawladnnimada. Shaqadu waa sharaf iyo karaamo adduunyo, ma-shaqaystuhuna waa bilaa karaamo iyo bilaa sharaf.
Shaqooyinka ay Siyaasiyiinta soomaalidu isku caayaan ayaan ururiyey waxoogaa kooban oo hoos ku qoray:
• Basle ayuu ahaa
• Xaaska Madaxweynaha ayey dharka u soo iibin jirtay
• Xabxab ayuu ku iibin jiray
• Dabaakh ayuu ka ahaa Ingiriiska
• Rayiisle ayuu haysan jiray
• Wuxuu ahaa askari
• Xeriyihii qoxoontiga ayuu ku soo koray
• Aabihii ayaa biyoole ahaa
• Farsamaqayaan talaajadaha sameeya ayuu ahaa
• Bakhaar daqiiqda lagu keydiyo ayuu iibiye ka ahaa
• Malcaamad ayuu ku haystay meel heblaayo
• Ededii ayaa tababar noogu keentay
• Markaan jaamacad dhigan jiray ayuu shaaha naga iibin jiray
• Baabuur jaadle ah ayuu dirawal ka ahaa
• Madaxtooyada ayuu basaas u ahaa
• Madarasad ayaan ka soo kaxeeyey
• Koontarabaanka ayuu ka ganacsan jiray
• Iskuul ayuu waashmaan ka ahaa
• Wasiirka ayuu xanta suuqa u soo ururin jiray
• Shalay ayuu furinka naga iibin jiray
• Moorgan ayuu basaas u ahaa
• Deyrka wasaaradda ayuu jaad ku iibin jiray
• Xamaaliintii dekeda muqdisho ayuu ahaa
• Ingiriiska ayuu mefrish qaad ku lahaa
• Hudheel Nayroobi ku yaala ayuu khasnaji ka ahaa
• Jaamac-harakoole ayaa la odhan jiray
• Car wash ayuu Hayadaasi u ahaa
• Caanoole ayuu ahaa
• Waa xoolo-dhaqato
• Dalaayadaha ayuu kirayn jiray
• Marwada Madaxweynaha ayey sallada u qaadi jirtay
• Shirkad dharka dumarka samaysa ayuu ka shaqayn jiray
• Goob dadka da’da ah lagu xannaaneeyo ayuu dharka u maydhi jiray
• Suuliyada Maraykanka ayuu nadiifin jiray
• Faras magaalaha ayuu gallay ku Karin jiray
• Macmacaanle ayuu iibin jiray
• Isaga oo beer qoto ayaa naloo keenay
• Is-biirtada ayuu ka ganacsan jiray
• Cadayle ayuu ahaan jiray
• Hudheel Kanada ku yaalla ayuu masaxi jiray
• Xero Doofaarka lagu xannaaneeyo ayuu ilaaliye ka ahaa
• Iswiidhan ayuu baabuurta ku masaxi jiray
• Gacan-yare ayuu ii ahaan jiray
• Mooyihiisa ayuu xaaraan ku tuntaa
• Furaha Bakhaarada madaxtooyada ayuu hayn jiray
• Madaxweynaha ayuu dabaakh u ahaa

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com