Sky Sports Oo Soo Saartay Qiimeynteeda Power Rankings Ee Premier League, Kumaa Ugu Fiicnaa Horyaalkaasi Todobaadkaan ?

0
551

Kanalka ciyaara Sky Sports ayaa soo saartay qiimeynteeda todobaadlaha ah ee ciyaartooydi ugu fiicneyd horyaalkaasi todobaadkii dhamaaday iyado xidiga weerarka uga ciyaara Everton ee Romelu Lukaku uu markale noqday xidigii ugu fiicnaa horyaalkaasi kulamadii todobaadkaan.

Si kasto, xidiga Belgian ayaa inkastoo uu ku guuldareystay inuu goolal ku caawiyo kooxdiisa Toffees ka kulankii ay 0-0 lasoo galeen Middlesbrough laakin xidiga ay isku kooxda yihiin ee Ross Barkley ayaa galay booska 7, isagoo hoos u dhavay shan boos,  Seamus Coleman ayaa galay booska 14aad wuxuuna hoos u dhacay sadex boos. goolhaye Joel Robles ayaa galay 15 isagoo hoos u dhacay  shan boos ayaa dhamana kua wada jira 20 ka sare.

Alfie Mawson ayaa soo galay booska 5 isagoo soo booday 67 boos kadib gool cajiib ahaa uu dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Swansea guusha ka gaartay kooxda kala daadsan ee Leicester halka Gylfi Sigurdsson uu soo galay booska 2aad isagoo sare u soo kacay hal boos kadib markuu caawiyay goolkii Martin Olsson iyagoo ku soo adkaaday 2-0.

Sadexda xidig ee Manchester United ee  Zlatan Ibrahimovic booska 4aad, wuxuu kasoo booday 13 boos, Henrikh Mkhitaryan (booska 8, wuxuu kasoo booday 12 boos) iyo Chris Smalling (booska 9, soo booday 15 boos) ayaa iyagana dhamaan kamid noqday 10 ka sare ee qiimeynta kadib guushii ay ka gaareen Watford.

Xidiga Arsenal eeAlexis Sanchez (booska 3, ayaa sare u soo kacay 63 boos) waana xidiga kaliya ee Gunner ah ee ku soo baxay 30 ka sare kadib markuu dhaliyay gool uu muran ku jiray iyo rigoore, da’yarka Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa isna fadhiya booskiisa No 6 inkastoo uu ciyaaray kaliya 15 daqiiqo kulanki ay guusha ka gaareen Bournemouth.