Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Horkacayo Waa Saffar Loo Baahnaa Oo Lagu Diirsaday ,, Qalinkii : Muuse Axmed Bidaar

0
393

Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Horkacayo Waa Saffar Loo Baahnaa Oo Lagu Diirsaday ,, Qalinkii : Muuse Axmed Bidaar

Socdaalka Nabadda iyo Mideenta Somaliland waa Socdaal runtii taarikhda gali doonaa baaqina ku ahaan doonaa quluubta shacbiga Reer Somaliland .

Eng Faysal Cali Waraabe waa waddani jecel dalkiisa isla markaana u tudha , sidoo kale waa Muwaadin taariikhda Somaliland baal dahab ah kaga jira .

Fayasl Waa Siyaasi fahansan siyaasadda caalamka iyo tan Soomaalida , waana Siyaasi si wayn ula socda Dhaqaaqyada Siyaasadda Soomaalida ,

waxaana lagu tilmaama siyaasi khabiir ku ah siyaasadda somalida iyadoo loo yaqaan siyaasi aragti Dheer oo waxyaabo badan oo uu ka digay markii danbe la arkay .

Si kasta oo ay tahay waxaa uu immika safaroo kala duwan ku maraya gobolada Bariga Somaliland waxaanu hadba maraya deegaan ku yaal bariga waxaana warbaahinta laga arkayay dad si gacaltooyo leh u soo dhaweenayaa Gudoomiyaha iyadoo taasi ay muujinayso jacaylka ay bulshadiisu u qabto Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Waxaa uu maray Meelo kala duwan , khudbado ayuu jeediyay ka hadlaya qiimaha ay leedahay midnimada iyo nabaddu , waxaa uu soo wacyigaliyay bulshad bariga oo uu ku dhiirigaliyay qaadashada Diinwaangalinta .

Shirarkii hoose ee ka socday gudaha dalka ayuu u dhabbo galay oo uu kormeeray soo arkay , soo dardaaray , waxaa cajiib ah sida uu dadkiisa xaaladdoodu ugu kuurgalayo iyo hadba khudbadaha qiimaaha badan ee uu u jeedinayo ,

Maaha siyaasi ku kooban dantiisa gaarka ah wuxuu daneeya oo uu ka shaqeeya danta guud ,

markaa anigu si wayn oo balaadhan ayaan u soo dhaweenaya socdaalkan oo aan odhan karo waa mid loo baahnaa .

Ugu danbeentii haddiiba talo la I waydiiyo waxaan ku talin lahaa In Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu noqdo Murashaxa Madaxweyne Ee Ucid oo uu dalkan mar kale u tartamo hogaankiisa anoo hubaa in umaddu aanay isku meeqaam u taagnayn Faysal Cali iyo Murashaxiinta Waddani iyo Kulmiye ee Cirro iyo Muuse Biixi .

Qalinkii : Muuse Axmed Bidaar

Email : Bidaarkaluun@gamail.com