Soddon Maalmood iyo Sideetan Meelood ,, , Xoghayaha Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Taakulaynta Abaaraha Sharmaake Geelle oo si hufan uga Warbixiyey Bil kadib

0
377

Soddon Maalmood iyo Sideetan Meelood ,, , Xoghayaha Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Taakulaynta Abaaraha  Sharmaake Geelle oo si hufan uga Warbixiyey Bil kadib markii guddida la magacaabay iyo wixii u qabsoomay

 

Hargeysa(Warsugannews)Maanta oo kale mudo bil ah kahor Madaxweynaha JSL isagoo ka jawaabaya qaylo dhaanta kasoo yeedhay shacabka JSL ee ku aadan abaaraha ayuu 13/02/2016 digreetu madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku magaacabay guddi heer qaran ah oo isku xil saara qaadhaan ururinta iyo qorshaynta taakulada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan.

Haddaba, guddida oo ka jawaabaysa masuuliyada culus ee guudkooda la saaray ayey bilaabeen xog ururin degdeg ah oo ku aadan qiimaynta dhabta ah ee abaarta dalka ka jirta iyo deegaamada ay halista badan ku hayso iyagoo mid walba eegayey mudnaanteeda koobaad.

Guddida, ayaa baadhitaan dheer kadib si dhab ah u xaqiiqsaday in abaartu tahay mid baahsan oo qayladu dhan walba kasoo yeedhayso isla markaana deegaamada Galbeed iyo Sanaag barii yihiin meelaha xaalufka iyo xoolo la’aantu ka taagan tahay

Guddidu iyagoo isticmaalayaa xog ururintii ay sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dalka iyo xogaha kale ee lagu kalsoonaan karaba waxay isla garteen in ugu yaraan 150,000 “Boqol iyo Konton kun” oo qoys ay samaysay abaarta xiligan dalka ka taagan taasoo la macno ah in hadii celcelis ahaan qoyskii laga soo qaado 6 qof ay noqonayso in ku dhawaad 1,000,000 “Hal Milyan” oo qof la il daran yihiin abaar ba’an oo xoolo iyo xeeladba tirtay.

Tirada intaas leeg ayaa ka dhigaysa abaarta xiligan taagan mid dalka wada gaadhay iyadoo deegaamo badan kasoo hayaamisay dad iyo duuniyo wixii degganaa

walaw baahida deegaamadu kala daran yihiin isla markaana ay kala jiraan mudnaan dhinaca xadka abaartu gaadhsiisan tahay ah hadana waxaa muuqata in doorkan duco iyo dedaal badan loo baahan yahay si dadkaas loo garab joogsado.

Maaha oo kaliya dhibaatada abaartu keentay biyo la’aan balse waxaa muuqanaysa baad la’aan iyo xaaluf lasoo darsay xoolihii noolaa oo ka dhigaya in ay raxan raxan ugu leedaan omoska iyo oomanaha degaamadii ay rug ahaan joogeen.

Isku soo wada duuboo, guddida oo dedaal hadh iyo habeen ah heegan ugu jirta in shilinkii ay helaanba kusii hawl galaan maadama Dhicisku inta birta loo soo sito kasii bakhtiyo, ayaa bilaabay in ay qorsheeyaan meelaha ay ka filan karaan in gargaar kasoo gaadho iyagoo ka dhigay

Dawlada  “Saddexda Golle Qaran, Shaqaalaha, Ciidanka”

Ganacsatada

Shacabka reer Somaliland

Mucaawinooyin ka yimaada dalalka carabta iyo caalamkaba

Qurbojoogta

Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare

Waxaa wax illaahay loogu mahadnaqo ah in dhan walba kaga  jawaabay  baaqii  guddida   dhago nugul iyo qalbi dabacsan  isla markaana bilaabeen in ay soo xareeyaan wajigii koobaad ee deeqihii laga filayey ah

 

 

Haddaba, Guddida oo aan isla sugayn waxa soo xaroonayaa  maadama daqiiqad walba dad iyo duunyo dunida gaajo kaga baxayaan ayaa bilaabay in ay gaadhsiiyaan deeqaha deegaamada galbeedka fog iyo barriga fog oo aan imika kahor laga soo bilaabi jirin deeqaha. waxaanay deeq raashin ah gaadhsiiyeen deegaanada hoos yimaada galbeedka fog iyo barriga fog oo kala ah sida shaxdan ku cad

 

Deegaamada Galbeedka Deegaamada Barriga
Gargooray Badhan
Xaliimaale Hadaaftimo
Dhagaxa-Madaw Midigaale
Weeraar Cawsane
Fiqi Aadan Rad
Wada-jir Haylaan
Xuseen Xobeen
Ceel baxay Ceel Bu’a
Arooseel Habarshide
Habaas Midhicir
Cabdiqaadir Caad-saaran
Jidhi Dhahar
Laanta-morohda Bali-boosle
Ceel-gaal Booraan
Daba-dilaac Baraagaha Qol
Sheekh Awaare Boodacad
Abase Xiin-galool
  Sibaayo
  War-idaad
  War-dheer
  Tawakal
  Dharkayn
  Jiingada
  Damale-xagare
  Shimbiraale
  Dawaco
  Daarasalaam
  Yubbe
  Carmale
  Ceeldheer

Guddida ayaa sidoo kale deeqo mucaawinooyin ah gaadhsiiyey deegaano kamida gobolka Awdal oo ay kamid yihiin

Tuli, Sh. Nuur, Jaarahorato, Magaalo Cad, Geed Diqsi, Goroyocawl, Holhol, Abu Qays

 

 

Waxaa sidoo kale maalmahan la gaadhsiin doonnaa deegaanada ay kamidka yihiin

Jirjir, Qulujeed,, Boon, Xeego, Xamarta, Hadhawanaag, Fadhixun, Carowareen

Intaas oo kaliya maaha ee waxaa sidoo kale kaalmo ka kooban 11-gaadhi oo raashin ah la gaadhsiiyey deegaanada ku teedsan xeebaha gobolka Awdal oo ay ugu deeqeen dalka Jabouti

Deegamadaas oo kala ah:

1-      Zaylac

2-      Riiga

3-      Aashacado

4-      Ceel gaal

5-      Geerisa

6-      Xoog faras

7-      Fardo lagu xidh

8-      Sheed Dheer

9-      Gab

10-   Garbo-dadar

11-   Gargaara

12-   Teeb

13-   Toora-boora

14-   Cadaado

15-   Damasha

16-   Karuura

17-   Kalowle

18-   Garaaca

19-   Osoli

20-   Lughaya

21-   Cabdi Geedi

22-   Ceel la helay

 

Waxaa iyagana raashin mucaawino ah la gaadhsiiyey deegaanada:

Yiroowe,

Yagoori,

Kalabaydh,

Yayle,  ,

Balidhiig ,

Duruqsi,

Widhwidh

Sidoo kalena  waxaa si habsami ah u socda raashin mucaawino ah oo la gaadhsiinayo deegaanada ku teedsan Gabiley iyo gobolka Maroodijeex oo maalmahan si dardar leh u socda

Intii ay socotay gaadhsiinta deeqihii laga soo ururiyey dawlada, ganacsatada iyo guud ahaanba dadka muxsiniinta ah ayaa waxaa dhankooda dhawaaqan qaylo-dhaanta ah bilaabay in ay kasoo jawaabaan dawladaha Imaraadka Carabta iyo Sucuudiga iyagoo qalab ceelasha mishiin la’aanta u fadhiistay lagu kiciyo iyo raashin-ba ugu deeqay dadkaas abaaraha la ildaran.

 

 

Daawanayoow waa Dadkaagii!!

 

Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Qaadhaan ururinta Aabaaraha