Somaliland 19 Sano Todoba Doorasho Ayaa Ka Dhacay Soomaaliyana Haba Sheegin. W/Q Khadar Cabdiraxmaan‏

0
490

Somaliland 19 Sano Todoba Doorasho Ayaa Ka Dhacay Soomaaliyana Haba Sheegin. W/Q Khadar Cabdiraxmaan

Doorashooyinka Soomaaliya ee gacan ku rimiska ah maaha kuwo khuseeya Somaliland iyo shacabkeeda, mana dhici karto in odayaasha iyo waxgaradka Somaliland sida xanjada loogu nabo dal aanay rabin doorashadiisa.

Caqli yaradi hogaamiyaasha Soomaaliya waata keentay inay maanta ku naaloodaan inay soo higsadaan duqayda dalka Somaliland oo ah dal hana qaaday oo buuxiyey shuruudihii lagu aqoonsan lahaa, waxaad moodaa kuwo ay ka lun-santahay taariikhda dunidu, waxa kale oo aad moodaa kuwo la kow-saday maleeshiyo beeleedkii Soomaaliya ka dilaacay bilawgii sagaashamadkii.

Somaliland waxay noqotay dal jiitay oo hore uga tashaday aayaha iyo nolosha shacabkeeda una jihaystay hanaanka iyo tubta toosan ee dal lagu sifeeyo horu-socdkiisa. Sidaas awaadeed madaxweyne Axmed Siilaanyo hadalkiisii ahaa Somaliland cid ka socotaa kama qayb gali doonto doorashooyinka Soomaaliya waa mid aan ku taageersanahay mana dhici doonto in la baal maro go’aanka madaxweynaha qaranka.

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay rabitaankiisa qofeed, balse wax kastaaba xad iyo xeer qabta ayuu leeyahay shacabkuna hore ayey masayrkooda ah doonitaanak Somaliland u mujiyeen oo boqolkiiba in ka badan todoba iyo sagaashan (97%) waxay ku naaloodeen jiritaanka Somaliland inuu yahay muqadas lama taabtaan ah.

Mudane, Madaxweyne waxaad tahay madaxweyne shacabkiisu hareero taagan yahay, ilaahay mooyee cid aad u baahan tahay ma jirto, waxaa kuu heelan oo naftooda kuu huraya oo ku leh ha u habran cadawga iyo nacabka Somaliland. Dhagna ha u dhigin yaryarka siyaasada ku socod baradka ee xamartaa gubanaysa inaga soo daan-daansanaya.

Waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa madaxweyne, dhag jalaq looma siinayo Xasan Sheekh iyo dhigiisa. Somaliland hore ayey u socotay uma baahan doorashooyin la soo dhoo-dhoobay waxa tusaale ugu kuugu filan doorashooinkii kala dambeeyey 1993, 1997, 2002, 2003,2005, 2010, 2012 oo kala ahaa doorashooyina madaxtooyo, baarlamaan iyo kuwo gole degaan. Sidee ayey hadaba maanta isku gaadhi karaan Soomaaliya oo aanay doorasho ka dhicin iyo Somaliland oo todoba doorasho oo is daba yaala ay ka dhaceen sagaal iyo toban sano oo kaliya? Adeer caqliga ka shaqaysii

Wa Bilaahi Tawfiiq
Khadar Cabdiraxmaan
Khadarc16@gmail.com