Somaliland Dal Dimuqraadi Ah Oo Dunidu HagrateyW/Q Nageeye Maxamed Xasan.

0
580

Somaliland Dal Dimuqraadi Ah Oo Dunidu HagrateyW/Q Nageeye Maxamed Xasan.

Waa duni dumuqraadi sheeganeysa dooneysa in la xoojiyo cambaareyn joogta ahna ku haysa dalalka ay u maleynayaan in aaney dumuqraadi aheyn taas bedelkeedi waxey inoo sheegaan iney tageerayaan dalkasta isla markaana xoojinayaan dimuqraadiyada iyo cidkasta oo ku dhaqanta hadana waxey indhihii aduunyada oo dhami eegayaan dal yar oo ku yaal geeska Africa isla amrkaana ah shamac aad u iftiimaya oo ka dhex mudhey dalalka geeska Africa oo badiba ay dagaalo iyo kelitalisnimo hagardaameeyeen.

hadana eegmada kalgacalka leh ee dunidu soomilalnd ku eegeyso marnaba may soo dhaafin indhahooda keliya wey dawanayaan horumarka baaxada lehee ka socda soomiland mana rabaan iney afka furtaan oo ay ku dhawaqaan in dalkani yahey dal jira oo ay tahey in la siiyo waxa uu xaqa ugu leeyahay beesha calamka oo ah inuu helo ictiraaf buuxa taas badalkeeda waxey dunidii oo dhami isugu tagtey dal burburey oo daaweyntiisuna ay aad u fogtahey suuragal tahey in kiinanka saxda ah ee soomaalia u baahantahey uu yahey in soomaliland la ictiraafo si ay somalialnd gacan buuxda u siiso dhinaca kle isla markaana uga soo saarto godka dheer ee soomalia ku dhacdey ee adduunka oo dhamani dul taagan yihiin iyagoo awoodi waayey iney gacan buuxda ka siiyaan sidii ay dhibkaas uga bixi lahaayeen..
waxaa hubaal ah in hagrasha beesha caalamku hagratey ictiraafka qaranimada Somaliland ay tahey wax aan suura gal aheyn Somaliland wey jiri doontaa inta dunidu taagantahey
Nageeye maxamed hassan
Nageeye353@Gmail.com
063-4101310