Somaliland iyo Maamulka Puntland Oo Iska Kaashaday Soo Qabasahda Nin Dil Ka Gaystay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0
614

Somaliland iyo Maamulka Puntland Oo Iska Kaashaday Soo Qabasahda Nin Dil Ka Gaystay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag
Ceerigaabo(Warsugan) Wasiirro xukumadda Somaliland ka tirsan ayaa la wareegayEedaysane Cabdixakiim Sooyaal oo loo haysto inuu 25-kii bishii dhammaatay degaanka Goof oo hoos taga Ceerigaabo dil ugu gaystay marxuum Jimcaale Saleebaan Xasan. Ninkan ayaa laga soo qabtay meel u dhaw Boosaaso, waxaana gacan ka gaystay soo qabashadiisa ciidamada Puntland oo kaashanaya beesha uu ka soo jeedo. Labada nin ayaa ka wada shaqaysan jiray Dhuxusha kadibna isku dilay khilaaf ka dhashay arrimaha ay ka wada shaqaysan jireen.

Odayaasha uu ka soo jeedo eedaysanaha ayaa sheegay inay hawl adag ka galeen soo qabashada ninkaasi maadaama ay nabadda beelaha dariska ahi ku xidhan tahay “Dhibaato kasta oo dhacday Mar haddii ninkii la hayo oo aanay dadkaa ehelka ah ee is dhalay ee is nuugta ah aanay fidmo dhexmarin waa Illaahay mahaddii. Ninka waxaa loo diray rag raacda ah, waxay kaashadeen ciidanka Puntland oo Ceerigaabo lagala xidhiidhay, sidaas ayaana meel kasta looga gurmaday oo lagu soo qabtay ninkii,” ayaa ka mid ahaa hadalka odayaasha.

Sidoo kalena odayaasha marxuumka dhintay ayaa sheegay inay aqbaleen soo qabashada ninkaasi, islamarkaana kala xaajoon doonaan ehelkiisa maadaama la xidhayo “ Mar haddii gacan ku dhiiglihii la hayo oo Illaahay inoo soo celiyay, Illaahay ayaynu ugu mahadnaqaynaa, wasiiradu waxay na yidhaahdeen todobaad na suga, waxaanan ku idhi bilana waanu idin sugi karnaa, markaa ninkii waa la idinka qabanayaa, dawladda ayaynu u dhiibanaynaa, waxaanay inoo ahaanaysa wakhtiga aad tidhaa waxaas baan ka rabaa,” ayaa ka mid ahaa hadallada ehelada ninku ka dhintay.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa isna sheegay in soo qabashada ninkan gacan ku dhiiglaha ahi qaboojinayso fidmo dhexmari lahayd bulshada ka soo kala jeeda Ceerigaabo iyo Ceelafweyn oo ah kuwa dilku dhexmaray.Waxa uu mahad u celiyay beesha soo dhiibtay ninkii dilka gaystay, isagoo tilmaamay inay si weyn uga shaqaynayaan ammaanka degaannadaasi.

Wasiirudawlaha xannaanada xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa isna ka hadlay soo qabashada ninkaasi “Waxaa shaydaanku isku diray laba nin oo meel ka wada shaqaysanayay oo iyagu wada socda oo is dilay. Waxaa ninkaas lagu soo qabtay meel Boosaaso u dhaw, aad iyo aadna waa looga hawl galay oo labada beelood, wasiirada iyo ciidankuba waa hawl galeen.Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Puntland oo iyana ka hawl galay, waxaan leeyahay Puntland waynu isku lahayn oo anaguba hore ayaanu hawlahaas oo kale xukumad ahaan u fulinay oo aanu Puntland arrimahan oo kale ugala shaqaynay,” ayuu yidhi wasiiru dawluhu.