SOMALILAND: Kulankii Ugu Horeeyay Ee Lagu Gor-faynayo Aqoonsiga Somaliland Oo Xalay Hargaysa Lagu Qabtay

0
317

SOMALILAND: Kulankii Ugu Horeeyay Ee Lagu Gor-faynayo Aqoonsiga Somaliland Oo Xalay Hargaysa Lagu Qabtay

Hargaysa:(warsugannews)-Tan iyo markii Somaliland dib ugala noqotay xoriyadeeda Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee midawday 1960, waxa ay dunida ka dalbanaysay aqoonsi buuxa. Soomaaliland ilaa hadda may helin aqoonsigaas ay raadinayso. Inta ugu badan waxa ay hogaamiyayaasha Somaliland soo mara iyo shaqaalaha arimaha dibaduba ay xooga saaraan ama sheegaan in ay aqoonsi baadigoobayaan.

Waxa Xalay Magaalada Hargeysa lagu qabtay Kulan loo bixiyey KASMO-WADAAG oo lagu gorfeynayey aqoonsiga Somaliland oo aan wali hore looga doodin ama loo lafagurin gudaha Somaliland. Kulankan waxa soo qabanqaabisay Xarunta Falanqaynta Siyaasadda (Center for Policy Analysis) oo CPA loo soo gaabiyo. Xaruntani waxa ay badiyaa ka faalootaa oo wax ka qortaa xaaladaha siyaasadeed, nabadeed, Dimuqraadiyadeed iyo waliba Xuquuqal Insaan ee Soomaalilaan iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Waxa kale oo ay xaruntani ka hawlgashaa caqabadaha hortaagan dalalka Geeska Afrika.

Kulankan waxa ka qaybqaadanayey oo dood-wadaaga ahaa; Faysal Cali Waraabe, Marwo Edna Adan Ismaaciil, Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan iyo Aadan Muuse Jibriil. Aqoonyahanadan iyo waaya-aragdani waxa ay aad u falanqeeyeen xaaladaha aqoonsi ee Soomaaliland, sida loo raadiyo, cidda masuulka ka ah iyo waxyaabaha xalka u ah in ay Somaliland aqoonsi kaga hesho caalamka.

Qof waliba waxa uu is dultaagay mawduuc gaar ah oo ku saabsan isla aqoonsiga. Waxa ay xuseen in aqoonsiga laga bilaabo gudaha dalka oo loo wada diyaargaroobo in laga wada hawl galo, cid gaar ahna aan lagu halayn. Waxa kale oo aad uga faaloodeen in aqoonta Somaliland oo la dhisaa ay fure u tahay in dunidu tixgaliso Somaliland.

Aden Muuse Jibriil Waxa uu aad uga faalooday oo uu dul istaagay Somaliland ma ku taagan tahay jidkii saxda ahaa ee aqoonsi raadinta? Waxa uu si cilmiyaysan oo xeeldheer uga waramay jidadka furan iyo kuwa ay tahay in lagu dadaalo.

Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan waxa uu isaguna ka hadlay oo su’aasha mawduuciisu ahayd; Halkuu marayaa aqoonsi raadinta Somaliland? Faahfaahin dheer ka bacdi, waxa uu sheegay in aan cid gaar ah lagu halayn ee laga wada qaybqaato aqoonsi raadinta.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu isaguna faahfaahiyey cidda ay tahay in ay aqoonsiga raadiso, isaga oo xusay in gudaha Somaliland laga wada shaqeeyo aqoonsi raadinta mucaarid iyo muxaafidba. Waxa kale oo ku dheeraaday in aannay u qaadan mucaaridku in ay mucaaradayaan aqoonsi raadinta Somaliland, laakiin ay iyagu doorka ugu muhiimsan ka qaataan.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil waxa ay aad ugu dheeraatay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray aqoonsi raadintu iyada oo waaya-aragnimadeeda u adeegsatay sheegtayna meelaha ku haboon in aqoonsi laga doonno iyo qaabka loo waajahayo.

Soo jeedintooda ka bacdi bulshadii ka soo qaybgashay oo dhammaantood ahaa aqoonyahano dhalinyaro ah ayaa soo jeedimo iyo su’aalo iyaguna la wadaagay waaya-araga gorfeynta soo jeediyey.

Waa markii ugu horeysay ee sidan oo kale loo lafa-guro loogana doodo arin sidan oo kale muhiim ugu ah jiritaanka Soomaliland.

warsugannews
Hargeysa/office
warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here