Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirka Maalgashi Ee Turkigu U Qabtay Dawladaha Afrika. +Wasiir Cali Xaamud Oo Si Meeqaam Sare Ah Uga Qaybgalay+SAWIRRO

0
400

Turki(WSN)Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee dalka Turkigu u qabtay dawladaha Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Istanbul. Shirkan oo lagu soo bandhigaayo maalgashiga waddanka Turkigu ka samaynaayo dalalka Afrika, waxa waddamada Bariga Afrika ee lagu casuumay kamid ah dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Kenya.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiklanoojiyada Caalamiga ah ee Somaliland, Cali Xaamuud Jibriil ayaa si meeqaam sare ah uga qaybgalay shirkaas.

Shirkan oo halku dhigiisu yahay (Turkish African Busness Summit) waxa furay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Binali Yildirim, waxaanu si niyad samaan ah u soo dhaweeyay Madaxda ka socotay waddamada Afrika, isagoo u sharxay qorshaha maalgashi ee dalkiisu ku samayn doono qaarada dihin ee Afrika.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa shirka kadib kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Mr. Yildirim, sidoo kale waxa Wasiirka lagu casuumay xarumaha shirkada Isgaadhsiinta ugu weyn dalka Turkiga ee loo yaqaan, Türk Telecom, taas oo danaynaysa inay Data-base u samayso dalka Somaliland.

Geesta kale Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa u gudbiyay dawladda Turkiga qorshaha qaran ee Tiklanoojiyada Somaliland iyo meelaha ugu muhiimsan ee laga caawin karo iyo dhinacyada maal galinta lagu samayn karo, halka sidoo kale dawladda Turkigu Wasiirka ugu bushaaraysay qorshayaal muhiim ah oo dhinaca Riigag Biyoodka abaaraha wax ka taridoona oo dawladda Turkigu ka hirgalin doonto dalka Somaliland.

Shirkan (Turkish African Busness Summit) ee Somaliland lagu casuumay, ayaa guul weyn u noqonaaya dalka iyadoo uu dadaal dheeraad ah muujiyay Wasiirka Somaliland uga qaybgalay shirkaasi ee Cali Xaamud Jibriil.
00000000000000000000000777-1

00000000000000000000000777

00001

00022