Somaliland oo Markii u horeeyey muddo 25 ah ka dib Safaarad ka furatay Dalka Maraykanka +Sawiro

0
499

Somaliland oo Markii u horeeyey muddo 25 ah ka dib Safaarad ka furatay Dalka Maraykanka.

Washington (Warsugannews) 03/06/2016-Waxa Maalinimadii shalay Xadhiga laga jaray Xafiis weyn oo ay Somaliland ku yeelanayso Washington, furitaanka Xafiiskana Waxa ka soo qayb galay dad isugu jira Jaaliyad reer Somaliland ee degan Washington D.C iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo isugu jiray aqoon yahano, waayeel iyo waxgarad tiro badan.

Xadhig ka jaridaa Waxa ka hadlay Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Amb. Rashiid Nuur Gaaruf, waxaanu yidhi “Waxaynu maanta isugu nimi munaasibada furitaanka safaarada Somaliland oo aynu ka furayno wadanka Maraykanka waxa halkan marti inoogu ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedaSomaliland Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo inoo furay xafiiskan safaaradu ku yeelan doonto dalka maraykanka, gaar ahaan Washington DC, Furitaanka xafiiskani wuxuu guul u yahay shacabka reer Somliland iyo qarannimadeenaba”. waxanu ku soo dhaweeyey wasiirku inuu xadhiga ka jaro xafiiskaa.”

Ka dibna waxa halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Mudane Axmed Keyse, waxanu yidhi “Maanta waxa farxad weyn ii ah in aan idin kala soo qayb galo furitaanka xafiiskan uu gadhwadeenka ka yahay Safiirka Somaliland ee dalkan maraykanaka Rashiid Nuur Gaaruf iyo Jaaliyada degan Washington, Virginia iyo Maryland-ba inaanu furno xafiiskan oo aad u qurux badan oo weyn ahna xafiiskii ugu horeeyey ee ay Somliland ku yeelato maraykanka. Waxan rajeynayaa inuu wax weyn ka tari doono xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Xafladii furitaanku way inoo danbeysaa laakiin maadaama aan beri tegayo waxa suurta gashay inaanu xadhiga ka sii jarno xafiiska, xaflada furitaankana ay jaaliyadu ka soo qayb geli doonto insha Allaah, oo ay balaadhin doonaan kuna qadiyada Somalilandna ay halkan ka qaybin doonaan. Waxan u mahad naqayaa safiirka iyo intii kala shaqaysay eebbe ha idinka abaal mariyo aad baad u mahadsantitiin, sida aad u dedaasheen eed u muujiseen qiimaha waddaniyada iyo horumarka dhinaca arrimaha dibeda”

Waxa isaguna hadal isugu jira duco waano iyo mahadnaq halkaa ka jeediyey Ibraahim Cabdi Warsame oo ka mida odayaasha jaaliyada Washington DC iyo nawaaxigeeda, waxanu ku dheeraaday Ibraahim muhiimada uu yeelan doono xafiiskani iyo baahiyihii ay dadka reer Somaliland u qabeen inay helaan safaarad la mida safaaradaha ka jira dalka maraykanka, taasina waxay ka bilaaban taa xafiis iyo safiir hawl kara sida Safiirkeena oo kale.
IMG_0557

IMG_0560

IMG_0562

IMG_0563

IMG_0568

IMG_0570

IMG_0572

IMG_0581

IMG_0601
• Wa-bilaahi Tawfiiq
• Yassin Mire
• qoobcade@gmail.com
• Washington DC