Somaliya: Ilka-Xanaf & xeer ilaaliyaha ayaa mudan in su’aal laga weydiiyo khilaafka iyo mooshinka

0
535

Somaliya: Ilka-Xanaf & xeer ilaaliyaha ayaa mudan in su’aal laga weydiiyo khilaafka iyo mooshinka

Muqdisho(Warsuhannews)Siyaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah Siyaasiyiinta inta badan ka hadla Siyaasada dalka ayaa si kulul uga hadlay Khilaafka la xidhiidha Mooshinka iska soo horjeeda.

Max’ed Max’uud, ayaa sheegay in ay ayaan darro tahay in Madaxtooyada Somalia iyo Golaha Shacabka xiligaan kala guurka ah ay Somalia dib ugu ceshaan halkii ay taagneyd dhowr sano ka hor.

Waxa uu tilmaamay in Mooshinada iska soo horjeeda uu yahay mid Somalia u diideyso inay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay, waxa uuna ku taliyay in Madaxda Qaranka ay go’aan kaasi ka duwan kasoo saaran Siyaasadaha iska soo horjeeda.
Siyaasiga ayaa intaa hadalkiisa kusii daray in Khilaafka iyo Mooshinada ay meesha ka saari karaan hamigii laga lahaa dhalashada sanadka cusub ee 2016 oo Somalia ay ka dhici doonto doorasho.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid ilka xanaf iyo Xeer ilaaliyaha guud Dr Axmed Daahir ayuu ugu baaqay in faragalin muuqata ay kusoo sameeyan Khilaafka iyo Mooshinada iska soo horjeeda.

Ilka xanaf iyo Axmed Daahir ayuu sheegay inay ka saaran tahay Mas’uuliyada koowaad, waxa uuna ugu baaqay inay wax ka bedelaan arrinta taagan.

Geesta kale, Xildhibaanada iska soo horjeeda ayuu ugu baaqay inay u diirnaxaan aayaha Umadda Soomaaliyeed oo ay xal ka gaaran Mooshinka taagan.
Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here