Soo dhawayntii iyo taageerada weftiga KULMIYE ee Qorilugud, Coodanle ilaa Balli-calanle + Murrashax Muuse Biixi oo Faras la guddoonsiiyey sida Fardo-fuulka u eryey

0
510

Wefti Guddoomiyaha KULMIYE Hoggaaminayo oo si wayn loogu soo Dhaweeyey Degaamo ka Tirsan Gobolka Buuhoodle

Soo dhawayntii iyo taageerada weftiga KULMIYE ee Qorilugud, Coodanle ilaa Balli-calanle + Murrashax Muuse Biixi oo Faras la guddoonsiiyey sida Fardo-fuulka u eryey

Burco (WSN )- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degaamo ka tirsan Gobolka Buuhoodle ee Somaliland oo ay u tageen dardargelinta iyo wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalka oo si rasmi ah uga bilaabtay gobollada Sool, Saraar iyo Buuhoodle.

Weftiga xisbiga KULMIYE oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyeyba safar shaqo oo diiwaangelintu qayb ka tahay ku joogay gobollada Sool iyo Saraar, ayaa maanta (Salaasa) socdaal dheer ku soo maray degaamo hoos yimaada Gobolka Buuhoodle oo ay ka mid tahay Degmada Qorilugud iyo degaamada Coodanle, Balli-callanle iyo tuulooyinka teedsan jiidda Hawdka ee ay ka bilaabantay qaadashada kaadhka codbixinta Somaliland si ay u indho-indheeyaan habsami-u-socodka hawshaasi, isla markaana ay shacabka ugu dhiirrigeliyaan in aanay u kala hadhan arrintaasi.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta ku wehelinaysay weftiga oo ka koobnaa hoggaanka sare ee KULMIYE, xildhibaanno, siyaasiyiin ka tirsan xisbiga iyo xubno ka socday xukuumadda oo deegaamadaasi ka waday abaabulka hirgelinta diiwaangelinta, waxa soo dhawayn ballaadhan oo farxad iyo qiiro ku abuurtay ku qaabilay bulshada ku dhaqan magaalada Qorilugud, tuulooyinka Murraayadda,  Coodanle, Balli-calanle iyo deegaamada hoos yimaada, kuwaas oo isu-soo-baxyo waawayn kala horyimi masuuliyiinta booqday, isla markaana si buuxda u caddeeyey inay garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.

Boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Coodanle oo ka mid ahayd meelaha soo dhawaymaha baaxadda leh loogu sameeyey weftiga, ayaa Guddoomiyaha xisbiga iyo weftigiisa kaga hortagay raxan Fardo shaaximan oo si xarrago badan ay u eryayeen rag Fardo-fuul aad u xarfaan ahi, iyadoo markii dambena halkaasi Faras lagu guddoonsiiyey murrashax Muuse Biixi oo isna isla goobtaasi ku fuulay oo u kaxeeyey si aan ka dhicin kooxda Fardo-fuulka.

Cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka degaannada Qorilugud, Coodanle iyo Balli-calanle oo hadallo ka jeediyey xaflado waawayn oo lagu isugu tagay soo dhawaynaha deegaannadaasi kadib, ayaa muujiyey siday ugu faraxsan yihiin weftiga xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee booqashada ugu tagay, isla markaana waxay caddeeyeen in degaamadani taageero boqolkiiba boqol ah ay hiil iyo xoogba la garab-taagan yihiin xisbal-xaakimka iyo murrashaxiisa cusub ee lagu wado inuu Madaxweyne Siilaanyo beddelo.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamd Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Shabeel, Afhayeenka xisbiga Xasan Gaafaadhi, Maayarka Burco Md. Maxamed Muraad, Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdirashiid Riyo-raac iyo Agaasimaha Fulinta ee Komishanka La-dagaallanka AIDS Md. Cabdikariin Xinif oo dhammaantood hadallo ka jeediyey fagaarayaal kala duwan oo xaflad loogu sameeyey weftiga, ayaa ka mahadceliyey sida bulshada ku dhaqan degaamadaasi u soo dhaweeyeen weftiga xisbiga iyo xukuumadda, waxaanay ku wacyigeliyeen qaadashada kaadhka codbixinta.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbado u jeediyey bulshada ku kala dhaqan magaalooyinka Qorilugud iyo Coondanle, ayaa dareen farxadeed iyo mahadcelin uu ka bixiyey soo dhawayntaasi kadib, waxa uu kala hadlay nabadgalyada iyo muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo adkaynteeda, “Deegaamadan waxay isu-xigaan Buuhoodle, beryahana colaado iyo dhibaatooyin baa ka jiray, walaalayaal idinka reer Buuhoodle idinka ayaa cid isugu xiga oo waxaad tihiin dhal iyo dhasheed, xoolihiina ayaa wada daaqa, dhib iyo dheefba waad wadaagtaan, waayo Ilaahay baa dhul idinku wada abuuray ee meel ma kala tagaysaan, markaa waa inaad nabadgalyo ku wada noolaataan oo aad ka shaqaysaan sidii loo heli lahaa nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo dhibtaasi, taas ayaan idinku boorrinayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha oo bulshada ku dhaqan deegaanka Balli-calanle kala hadlay munaasibad ka dhacday geed wayn oo ay caan ku tahay tuulada Balli-calanle, ayaa soo qaaday muhiimada ay leedahay diiwaangelinta, horumarka dalka iyo hiigsiga iyo himilooyinka xisbiga KULMIYE doonayo inuu ku galo doorashooyinka soo socda uu xusay inay ku salaysnaan doonaan siyaasadda waxqabadka la majeertay horseeday ee uu waddanka ku hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

DSC_2666 (44)

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_2666 (5) DSC_2666 (6) DSC_2666 (7) DSC_2666 (8) DSC_2666 (9) DSC_2666 (10) DSC_2666 (11) DSC_2666 (12)

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_2666 (15) DSC_2666 (16) DSC_2666 (17) DSC_2666 (18) DSC_2666 (19) DSC_2666 (20) DSC_2666 (21) DSC_2666 (22) DSC_2666 (23) DSC_2666 (24) DSC_2666 (25) DSC_2666 (26) DSC_2666 (27) DSC_2666 (28) DSC_2666 (29) DSC_2666 (30) DSC_2666 (31) DSC_2666 (32) DSC_2666 (33) DSC_2666 (34) DSC_2666 (35) DSC_2666 (36) DSC_2666 (37) DSC_2666 (38) DSC_2666 (39) DSC_2666 (40) DSC_2666 (41) DSC_2666 (42) DSC_2666 (43)