SOO LAABO FRANKIE – CHELSEA OO KA DALBAN DOONTA SUPER FRANK LAMPARD INUU CHELSEA KUSOO LAABTO

0
321

Kooxda Chelsea ayaa si layaab leh uga dalban doonta halyeey Frank Lampard inuu dib ugu soo laabto garoonka Stamford Bridge xilli xidigii hore England uu xaqiijiyay inuu soo afjaray waayahiisa kooxda New York City.

38-jirkaan ayaa laba sanadood ku qarash gareeyay horyaalka Major League Soccer, balse wuu isaga tagay kooxda si uu u bilaabo cutub cusub oo noloshiisa kubadda cagta ah.

Lampard wali ma go’aansan hadii uu kabaha kubadda cagta sii xirnaan doono, balse hadii uu iska siibo kabaha kubadda cagta Blues ayaa u furi doonta albaabada Stamford Bridge si uu ugu soo laabto galbeedka London.

Waxey quuldareynayaan iney xil maamul siiyaan xidigoodii hore iyagoo u qadarin doona halyeey kooxda soo maray isla markaana aan laga iloobi karin taariikhdiisa garoonka Stamford Bridge.

Super Frankie waa ciyaariyahanka ugu goolasha badan Blues madama uu dhaliyay 211-gool, Blues ayaana ogolaan doonin in halyeeygoodii hore uu doorar tababar ka qabto kooxo ay xifaaltamaan sida ku dhacday Gunners madama Patrick Vieira uu qalbigiisa siiyay Manchester City.