Sool: Afar Qof Oo Beeralay Ah Oo Ku Sumoobay Tuulada Dal-yare

0
425

Sool: Afar Qof Oo Beeralay Ah Oo Ku Sumoobay Tuulada Dal-yare

Laascaanood (Warsugan) Afar qof oo ka mida beeralayada gobolka Sool gaar ahaana degaanka Dal-yare ayaa ku sumoobay cunto ay cuneen, kuwaas oo dhammaantood la soo gaadhsiiyey cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood.

Afarta qof ee sumoobay oo ah rag ayaa xaaladooda caafimaad waxaa ka war bixiyey Dr Cabdi-majiid Xuseen Sugule oo ka mid ah hawl-wadeenada ka hawl gala cisbitaalka Manhal ee Laascaanood, waxaanu yidhi “Shalayto rag afar ahaa oo ku sumoobay cunto ay ku qadeeyeen, ragaasi qaarkood koomo ayey ku jireen, qaarkoodna ay aad u il darnaayeen laakiin miyirkoodu joogay ilaahay mahadii markii loo sameeyey gargaarka deg deg ah way ladnaadeen, waa lala tacaalayey ilaa xalay saaka iyaga oo fiican ayey ka baxeen cisbitaalka”

Dr Cabdi-majiid ayaa ka hadlay khatar ah inay dadku sumoobaan iyo waxyaabaha keeni kara, waxaanu yidhi “Waxa jirta khatar ah dadku inay sumoobaan oo waliba ka dhalan karta weelasha la isticmaalayo ee kiimikada lagu keeno ee caagaduhu ka midka yihiin, way keeni kartaa inay wax sun ahi ku hadhan dhalooyin ayaa la isticmaala, weelal wax laga shubay oo wixii laga shubay aan la garanayn ayaa la isticmaala markaa bulshadu waxay u baahan tahay wacyigelin iyo inay ka fogaadan weelasha noocaas oo kale ah oo aanay isticmaalin isla markaana ay hubiyaan sunta nooc kasta ha ahaate iyo cuntada in la kala fogeeyo”

Sidoo kale sanad ka hor waxaa magaalada Laascaanood gargaar caafimaad loogu sameeyey dad isku qoys ah oo ku sumoobay cunto ay meel ku wada cuneen, waxaa arrintaa ka hadlay Dr. Cabdi-majiid “Arrintani maaha markii koowaad dhawr jeer way soo noq noqotay waliba dad fara badan oo koox ah oo sumoobay kal hore ayey ahayd markii gabadh yar oo cunto karinaysa ay qoys dhami u somoobeen cunto ay karisay; tan oo kale laftigoodu xaafad ayey ka wada qadeeyeen”

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office