Soomaaliya Halkay Kaga Jirtaa Wadamada Laga Diiwaan Geliyey Dhimashada

0
323

Dalka Soomaaliya ayaa kasoo muuqday kaalinta 9aad ee tobanka kaalin ee sarre ee dalalka laga diiwaan geliyey dhimashada ugu badan adduunka sannadkii tegay 2016kii.

Hayadda sirdoonka Mareykanka Central Intelligence Agency (CIA) oo kaashaneysa World Factbook ayaa soo saartay qiimeyntaan, waxaana hogaaminaya dalka South Africa ee ku yaalla qaaradda Africa.

Sababo kala duwan ayaa loo dilay dadkaas dhintay, iyadoo Russia ay kasoo muuqatay kaalinta labaad ee qiimeyntaan. Bulgaria ayaana ah dalka kaalinta 10aad iyagoo ka

Qiimeyntaan ayaa waxaa hogaaminaya dalka Koonfurta Africa iyadoo saacaddii ay ku dhintaan 17.23 shaqsi. Kuna darso Somalia 14.55 shaqsi ayaa la qiimeeyey inay saacaddii siyaabo kala duwan ugu dhintaan.

Halkaan hoose ka aqriso tobanka dal ee ugu sarreeyo

South Africa 17.23

Russia 16.03

Ukraine 15.76

Lesotho 15.18

Chad 15.16

Guinea-Bissau 15.01

African Republic 14.71
Afghanistan 14.59

Somalia 14.55

Bulgaria 14.32