SPAIN: Haweeney boorsadeeda laga dhex helay wiil 19 jir ah oo ay tahriibineysay

0
398

Soddonka bishii Desember ee sanadkii tagay (2016) ayaa waxaa ay booliska dalkaasi Spain ku qabteen xadka eksklaven Ceuta ee dhaca xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Marokko haweeney 22-jir ah taas oo ay boorsadeeda ka dhex heleen wiil 19 jir ah oo ay tahriibineysay.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ugu dhaqaaqeen haweeneydaasi kaddib markii ay ka shakiyeen qaab-dhaqankeeda, waxaana ay ku amren in ay furto boorsada, sidaasna uu uga soo baxay wiil isku sheegay in uu yahay 19 jir kasoo jeeda dalka Gabon.

Isniintii ayay aheyd markii booliska dalkaasi iyo qoxooti kor u dhaafaya 800 oo doonayay in ay kasoo tallaabaan isla xadkaasi ay isku farasaareen.