Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin Oo Sheegay In Dugsiga Agoomaha Ee Bariga Hargeysa Si Qaldan Looga Faa’idaystay +Baaq Uu U Diray Xukuumada Somaliland iyo Dawlada Kuweyd Ee Maaligalisay

0
341

Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin Oo Sheegay In Dugsiga Agoomaha Ee Bariga Hargeysa Si Qaldan Looga Faa’idaystay +Baaq Uu U Diray Xukuumada Somaliland iyo Dawlada Kuweyd Ee Maaligalisay

Hargeysa(Warsugannews)- Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa cod dheer ku sheegay in qaab qaldan looga faa’idaystay Dugsigii loo dhisay Agoomaha reer Somaliland kaas oo ay maalgalisay Dawlada Kuweyd islamarkaana ay ugu talagaleen in lagu xanaaneeyo Agoomaha baahan ee dalka ku darxumaysan kaaso hada laga dhigay Dugsi gaar loo leeyahay isla markaasina ay wax ku bartaan caruurta ay dhaleen tijaarka ugu lacagta badan dalka isagoo isla markaasi dugsigan agoomuhu noqday Dugsiga ugu qaalisan Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala dalka
Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa oo maanta shir-jara’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isaga oo arimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi”waxan maanta halkan doonayaa inaan kaga hadlo iska markaasina kaga hadlo dulmi balaadhan oo ka jira Dugsigii loo dhisay Agoomaha reer Somaliland kaas oo ay maalgalisay Dawlada Kuweyd islamarkaana ay ugu talagaleen in lagu xanaaneeyo Agoomaha baahan ee dalka ku darxumaysan kaaso hada laga dhigay Dugsi gaar loo leeyahay isla markaasina ay wax ku bartaan caruurta ay dhaleen tijaarka ugu lacagta badan dalka isagoo isla markaasi dugsigan agoomuhu noqday Dugsiga ugu qaalisan Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala dalka iyadoo agoomihii looogu talogalay ee loo dhisayna aan albaabka laga furin loona ogolaanin in la qoro arintan oo ay maamulka iyo cida gacanta ku haysa dugisigani si badheedha oo aan gabasho lahayn u wadeen ilaa maalintii la furay dugsigan iyagoo dawladii maalgalisayna usheega in ay dusiga ku jiraan dadkii loogu talogalay ee agoomaha ahaa “

Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay dadweynaha Deegaanka Bariga Hargeysa ee uu ka dhisanyahay Dugisgani ay ka qatan yihiin Shaqaalaha iyo maamulka Dugsiga isla markaasina aanay jirin habayaraatee wax faa’iido ah oo uu kusoo kordhiyey dugsigan sida ugu dhaqsaha badana uga tashan doonaan waxa ay ka yeelayaan
Suldaan C/raxiim Saxardiiid Kaahin ayaa sidoo kale baaq culus u diray Xukuumada Somaliland iyo Dawladii Maalgalisay ee Kuweyd isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa” hadaba waxan halkan baaq u marinayaa Xukuumada Somaliland ee ka masuulka ah agoomaha baahan ee loogu talogalay Dugsigan sida qaldan looga faa’idaysanaayo kaas oo aan leeyahay waa in aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabataan dulmiga baahsan ee haysta agoomihii loogu talogalay dugsigan sidoo kale waxan halkan fariin u marinayaa dawladii maalgalisay mashruucan ee kuweyd inay soo dirsato wafti xog-ogaal u noqda xaalada dhabta ah ee dugsigan isla markaasina ay wax ka qabtaan dulmigan haysta agoomihii loogu taloglay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here