Suldaan Saleebaan “Siyaasiyiinta WADDANI Ku Biiray Waxaa Na Baray Madaxweyne Siilaanyo Oo Siiro Ka Soo Qaaday.”

0
342

Suldaan “Siyaasiyiinta WADDANI Ku Biiray Waxaa Na Baray Madaxweyne Siilaanyo Oo Siiro Ka Soo Qaaday.”

Hargeysa(Warsugan) Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan (Suldaan Habaar) oo ka mid ah madaxda dhaqanka Hargeysa, islamarkaana ku lug leh siyaasadda ayaa duray siyaasiyiinta dhawaan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaasi oo hore uga mid ahaa xukumadda madaxweyne Siilaanyo. Waxa uu sheegay in la eegi doono saamaynta iyo taageerada ay ku leeyihiin degaannadooda balse ay yihiin kuwo madaxweyne Siilaanyo ku soo ciyaar siiyay saaxadda siyaasadda hortoodna aan la aqoon.

Suldaanka oo aqoon u leh degaannada ay siyaasiyiintani ka soo jeedaan ayaa taxliilintiisa siyaasadda ku eekeeyay in laga dhursugayo siday degaannadooda kalsooni uga helaan, balse wuxuu u badiyay inaanay ahayn kuwo saamayn siyaasiya leh “Siyaasiyiintani degaanno iyo reero ayay ka soo jeedaan oo waa la arki doonaa nin walba wuxuu qabto laakiin, anigu ma qabo miisaanka loo yeelayo iyo awoodda loo yeelayo inay leeyihiin,” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanka ayaa intaasi raaciyay in siyaasiyiintani yihiin kuwo madaxweyne Siilaanyo bulshada baray, islamarkaana uu ka soo qaaday meel hoose “Nimankan siyaasiyiinta waaweyn lagu sheegayo, dee adeer anaga Siilaanyo ayaa na baray, waxay ahaayeen gacan yareyaashii Siilaanyo la shaqaynayay, qof uu dadku yaqaanay ma jirin, haddii dadka la waydiiyo qof ay ka hor dawladda Siilaanyo yaqaaneen kuma jiro, hadduu jirana way yar yihiin laakiin, haddii barashadaa Siilaanyo dadka baray ay caan noqonayaan maaha oo la odhanayo qofkaasi meesha uu istaagaba dadkaa ku xoomaya,”ayuu yidhi Suldaan Habaar.

Geesta kale wuxuu ku canaantay abaal ka dhaca ay madaxweyne Siilaanyo ku sameeyeen siyaasiyiintii iska casilay xukumadda “Nimankaas siyaasiyiinta waaweyn lagu sheegayo badankooda Siilaanyo ayaa ina barayo oo Siiroo ka soo qaaday, markaa bal haddana waa la ogaan doonaa waxay qabtaan iyo waxay taraan, xisbiga Waddani-na waa qarafaysanayaa oo albaabada ayuu garaacayaa, wixii ugu soo dhacana wuu qaadanayaa,” ayuu yidhi Suldaanku.

Siyaasiyiinta dhawaan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo xisbigaasi si weyn u buunbuuniyay waxaa ka mid ah wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, kuwaasi oo la da ah xukumadda Siilaanyo, horena aan siyaasadda Somaliland uga mid ahayn, balse hadda si weyn loo hadal hayo inay saamayn ku leeyihiin siyaasadda.
Xigasho Wargeyska Warsugan