Suldaan Waxaa Lagu Yaqaanay Inuu Nabada Ka Shaqeeyo Balse Kuwani Shacabkay Kicinayeen”. Wasiir Ku-xigeenka Amniga JSL.

0
356

“Suldaan Waxaa Lagu Yaqaanay Inuu Nabada Ka Shaqeeyo Balse Kuwani Shacabkay Kicinayeen”. Wasiir Ku-xigeenka Amniga JSL.
Hargaysa(Warsugannews)- Wasiir kuxigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga Somaliland ayaa si adag uga hadlay xadhiga Suldaan Sabayse xukumaddu u gaysatay habeenkii Jimcihii, isagoo suldaanka ku eedeeyay inay hayaan caddaymo muujinaya inuu kicin dadweyne sameeyay.
wasiir-cabdi-daahir-xaamud
“Ninkaasi Suldaanka ah ee shalay la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabadgalyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgalyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgalyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku isagoo BBC-da la hadlaya.
Wasiir kuxigeenka oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay “Wasiir arrinta Suldaan Sabayse idinku dhaliilay ee ah wareejinta haamaha Berbera iyo gacan qaadkii ka dhacay golaha wakiilladu ma nabadgalyo darraa? Waxa uu ku jawaabay “ Adeer waxa weeye Haamaha shidaalka xukumad baa u xilsaaran. Xukumadda ayuu sharcigu siinayaa inay iibin karto, inay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku I siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.
Booliska ayaa cawaysnimadii Jimcuhu soo galayay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Sabayste oo xukumadda ku canaantay wareejinta haamaha Berbera, sidoo kalena khaladkii gacan qaadka Cirro iyo Baashe dusha ka saaray xukumadda oo dabada ka riixaysa Baashe.
Sidoo kale waxaa muddo todobaad ku dhaw Hargeysa ku xidhan Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo xukumadda ku dhaliilay qorshaha y degaanka Banka qoolcaday kagaga dhigayso seero xidhan, halka uu isagu la doonayo dhul daaqsimeed inay ahaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here