Suldaanka Guud Ee Beelaha Habarjeclo Oo Wacad Ku Maray Inay Ka Fiirsan Doonaan Halka Ay Codkooda Marin Doonaan Xisbiyada Qaranka Uga Digay In aanay Cidla Ka Jiboon

0
377

Suldaanka Guud Ee Beelaha Habarjeclo  Oo Wacad Ku Maray Inay Ka Fiirsan Doonaan Halka Ay Codkooda Marin Doonaan Xisbiyada Qaranka Uga Digay In aanay Cidla Ka Jiboon

Akhri Go’aamadii kasoo baxay Gunaanadkii Shir dhaqaeedka Guul iyo Gobanimo  ee Beelaha Daahir Faarax Allamagan Cabdille iyo Xuseen Cabdille

Beer(Warsugan) Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo oo soo gunaanaday shir  maalmihii u danbeeyey Ardaayada Daahir Faarax, Xuseen Cabdille iyo Allamagan Cabdille uga socday Dooxada Beereed ayaa hoosta ka xariiqay doorkan in beesha guud ee uu suldaanka u yahay ay ka fiirsan doonaan hubina doonaan halka ay codkooda marin doonaan isagoo suldaaanku bedka soo dhigay inaan waxba ka jirin taageerada la sheegay in Xisbiyada loo hayo taasna bedelkeeda uu ugu baaqay axsaabta inaan been loo sheegin oo aanay cidla ka muraaqoon, shacabka kala duwan ee uu Suldaanka u yahayna si weyn uga baaraan degi doonaan halka ay codkooda oo midaysan ku shubi doonaan isagoo shuruudo adag ku xidhay cidkasta oo cod doonaysa, suldaanka ayaa hadalkiisa ku ta’akiidiyey kuna ladhay dhaar uu dhawr jeer ku celi celiyey taasina ay muujinayso sida ay uga go’an tahay meel marinta qorshaha suldaanka iyo sida uu ugu taliyo beelaha uu hogaamiyo.

Suldaanka guud ee Beelaha Habar Jeclo  Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa u quus gooyey Xisbiyada kala duwan ee qaranka, waxaana uu suldaanku sheegay in Ardaayada kala duwan ee uu suldaanka u yahay ay doorkan ka fiirsan doonaan cida ay codkooda siinayaan  waxaana hadalada suldaanka ka mida ahaa  ” Xisbiya waxaan leeyahay  waxaa la leeyahay Kulmiyaanu raacnay waxba kama jiraan waxaa la leeyahay waxaanu raacnay Wadanina waxba kama jiraan, waar walaahay waan idin eegaynaa waxaad qabataan baanu idin eegaynaa hadalkiinaanu dhegaysanaynaa walaahay taftniid baad ku jirtaan yaan been laydiin sheegin, walaahay ninkii aanu aamino waxa uu qabanayo ninkii aanu aragno inuu daacad yahay  ninkaasuun baanu codkayaga siinaynaa ”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta ku jiraan marxalad hubsiimo ah islamarkaana ay codkooda siin doonaan cida hogaamin karta qaranka una arkaan inay shacabka baahiyihiisa wax ka qabanayso balse aanay marnaba waxba ku bixin doonin jibo suldaanku waxa uu axsaabta qarkood ku canaantay inaanay haba yaraatee wax qaadhaan ah ka geysan shirkan iyo kii hore ee lagu qabtay Magaalada caynaba sababtuna ay iswaydiin leedahay  waxaana ka mid ahaa hadaladii Suldaanka Cabdilaahi sidantan  ” Waar maanta waxba faan faan ku bixin mayno waaryaadha inaga hubsada nimankaa waar ninkaynu caruurteena u dhiibayno waar ninka gurigeena ka talinaya waar ninka adhigeena ka talinaya shicibow maantay talo inala gudboon tahay, waar ninkii ina wadi lahaa ee caruurta dhiqi lahaa maatada daa dahayn lahaa ee aan xamar inala qabanayn ee inala qoor jeexayn”

Hadalkan Suldaanka ayaa  imanaya xili goobta gunaanadka shirka ku sugnaayeen Saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye,Wadani, Ucid kuwaas oo qaarkood si soo dhaweeyeen hadalkaasi kuna farxeen, hadalka suldaanka ayey ku ladhnayd dhaar isagoo run sheegaayey, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa suldaan ay beelaha Habar Jeclo si weyn uga danbeeyaan sidoo kalena Musdanbeed u ahaa guud ahaanba ardaayada kala duwan ee uu Suldaanka u yahay.

Go’aamadii kasoo baxay Shir dhaqaeedkii ay Degamda Guul iyo Gobanimo  ee Beer ku yeesheen Beelaha Daahir Faarax Allamagan Cabdille iyo Xuseen Cabdille

  1. Inay go’aan ku gaadhay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ku bogaadinaysaa bulshada kale ee Somaliland inay shareecada ku dhaqmaan.
  2. Taageerada Jiritaanka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland
  3. Waxaa la doortay 21 xubnood oo danaha beesha wadi doona islamarkaana hagi doona
  4. Waxay beeshu go’aansatay inay si buuxda uga qeyb qaadato doorashooyinka soo socda ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyadda, waxayna u diyaarisay 3 xubnood oo labana laga sharixi doono Gobola Togdheer halka mid kalena laga sharixi doono Gobolka Saaxil
  5. Waxay beeshu go’aan ku gaadhay inay si buuxda uga shaqayso adeegyada Aasaasigaa ee Bulshada iyo kuwa horumarineed ee deegaanada ay degan tahay oo dhan
  6. Beeshu waxay Xukuumadda ka raadsanaysaa wixii ay ka tabanayso ee xuquuqa
  7. Beeshu waxay Xukuumadda si buuxda ugu taageeraysaa mashaariicda horumarineed ee ka socota deegaamada gaar ahaan Gobolka Saaxil ee ay ugu horayso mashruuca weyn ee Dekeda Berbera lagu   maal gelinayo
  8. Deegaanka Kililka Shanaad oo ay beeshu deegaan balaadhan ku leedahay, waxa ay go’aansatay inay ilaaliso ay si buuxda u hirgeliso qawaaniinta iyo shuruucda Dawlad Degaanka Somaliyeed ee Klilka 5aad iyo qawaaniinta guud ee Dawladda Faderaalka Itoobiya islamarkaana si buuxda u ilaaliso deegaanada ay ka degto Kililka 5aad
  9. Beeshu waxay taageero mugle u haysaa Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Md: Axmed Maxamed Siilaanyo waxay kaloo taageero mugle u haysaa Xisbi xaakimka Kulmiye ee Talada haya isla markaa beeshu waxay soo dhaweynaysaa Xisbiyada kale ee Qaranka .

Xigasho Wargeyska Warsugan