telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Taageerayaasha KULMIYE ee Magaalada Caynaba oo Wacdaro Ka Dhigay Maalinta Shanaad ee Ololaha Xisbiga

 

Caynab(Warsugan)-Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, ayaa isu soo baxyo baaxad leh kaga qaybgalay maalinta shanaad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegnayd.
Kumanaan kamid ah shacabka magaalada Caynaba oo si farshaxannimo leh ugu soo labbistay astaanka xisbiga KULMIYE, qaybo jidhkooda kamid ah kusoo sharraxay oo ay wehelinayaan aqoonyahanka, salaadiinta, madax-dhaqameedka, iyo waxgaradka deegaanka, ayaa iyaga oo safaf dhaadheer ku jira goob fagaare ah kaga hortegay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay xubno ka yihiin wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale, waxana goob fagaare ah laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shacabka, isla markaana lagu bogaadinayo taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen.
Waxgaradka, aqoonyahanka, salaadiinta iyo haldoorka deegaanka Caynabo oo fagaaraha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka aan hagrashada lahayn ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay gobolka Saraar iyo deegaannada hoos yimaadda, waxana ay sheegeen inay shacabka deegaanku ka siman yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Wasiirro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxda xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Saraar iyo guddida ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sheegay inay cudud taageero, cod iyo cuudba la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay codkooda si hagar la’aan ah ugu deeqi doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa maalinta doorashada.
Wasiirrada wasaaradaha Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Dibu-dejinta Md. Cali Siciid Raygal, wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada Md. Maxamuud XaaJI Aadan iyo xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta baaxadda leh ee shacabka reer Caynaba kaga qaybgaleen maalinta shanaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, waxana ay ku dhiirrigeiyeen inay codkoodana la garab galaan maalinta cod-bixinta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka hadlay, ayaa si kal iyo laab ah uga mahadnaqay isu soo baxyada iyo taageerada muuqata ee ay shacabku muujiyeen, waxana uu bulshada deegaanka la wadaagay aqoon durugsan oo uu u leeyahay magaalada Caynaba, isaga oo farta ku fiiqay inuu qayb libaax ka qaatay badbaado loo fuliyey shacab ay dhibaato ka soo gaadhay abaartii dabo-dheer oo sannadihii toddobaataneeyadii.

190 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins