Taageerayaasha KULMIYE ee Somaliland oo Isu-soo-baxyo Taariikhi ah ka Dhigay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka + Sawiro

0
597

Taageerayaasha KULMIYE ee Somaliland oo Isu-soo-baxyo Taariikhi ah ka Dhigay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Bandhiggii Boorama ee Murrashax Muuse Biixi goob-joogga u ahaa + taageerada cuslayd ee Balligubadle + Mowjadihii isu-soo-baxyada reer Gabiley

Boorama (WSN)- Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta isu-soo-baxyo taariikhi ah ka dhigay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalinta saddexaad ee kaltanka ololaha xisbiga.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMYE ah oo ku kala nool lixda gobol iyo degmooyinka kala duwan, ayaa dhammaan fagaarayaasha magaalooyinkooda ku soo bandhigay cuddudooda taageero ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE murrashaxiintiisa iyo siday diyaarka ugu yihiin inay codkooda ugu doortaan madaxtinimada waddanka doorashada qorshaysan 13-ka bisha soo socota ee November.

Shacabwaynaha ku dhaqan caasimadda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa mowjado iyo hirar taageero ah ku soo bandhigay fagaaraha Khayriyada magaaladaasi oo uu goob-joog ku ahaa murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madax iyo saraakiil kale oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Xidhiidhka Goleyaasha Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirkii hore Khaarajiga xukuumaddii UDUB Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Axmed Muumin Seed, Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xubno kale oo magac iyo maamuus ku leh bulshada reer Somaliland, iyadoo taageerayaashan oo lulayey calanka astaanta xisbiga KULMIYE, qaarna dhar iyo hu ka dhigteen, halka kuwa kalena ka qaybo jidhkooda ka mid ah ku soo sharraxeen astaamaha xisbiga, waxaanna taageerayaashan oo koox koox u wada socday ay subaxii hore isugu tageen barxadda khayriyada iyagoo muujinaya inay ka go’antahay codkooda iyo cududdoodaba inay la garabgalaan xisbiga iyo murrashaxiintiisaba.

Guddoomiyaha Guddida Ololaha Gobolka Awdal Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa bulshada Awdal ku guubaabiyey inay u diyaargaroobaan maalinta doorashada oo waqti kooban ka hadhsan yahay, waxaannu ku adkeeyey inay codkooda ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.
Siyaasiyiin bulshada magac ku leh oo ay kamid yihiin Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cawil Cali Ducaale, Axmed Muumin Seed, Maxamed Abiib iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka reer Awdal, waxaanay sheegeen in loo baahan in iyada oo la isku duuban yahay gacmaha la isu qabsado sidii cod iyo cudud wada socda loogu garab geli lahaa murrashaxiinta KULMIYE.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa iyaguna ku dheeraaday waxqabadka uu KULMIYE ka hirgeliyey dalka, waxaanay sheegeen in bulshada Somaliland ku dhaqan oo dhammi ka simantahay ku qanacsanaanta horumarka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka, iyaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey waddada isku xidha Dila iyo Boorama oo xisbiga KULMIYE hirgeliyey.
Salaadiin ay kamid yihiin Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Ibraahim Jaamac Samatar oo hadal u jeediyey bulshoweynta reer Awdal, ayaa sharraxay horumarka uu xisbiga KULMIYE gaadhsiiyey gobolka Awdal, waxana ay bulshada ku guubaabiyeen inay codkooda si midaysan ugu hibeeyaan murrashaxiinta KULMIYE si loo dhammaystiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira guulaha xukuumadda KULMIYE ku tallaabsatay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee aqalka Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo khudbad u jeediyey shacabka reer Awdal, ayaa si mugleh u sharraxay dedaalka uu xisbiga KULMIYE u galay horumarka gobolka Awdal iyo sidii ay bulshada reer Awdal qayb libaax uga heli lahaayeen xilalka muhiimka ah ee qaranka, waxaannu farta ku fiiqay inuu KULMIYE yahay xisbiga keliya ee xilka iska saaray sidii reer Awdal ula jaan qaadi lahaayeen horumarka kala duwan ee dalka ka hirgalay, waxaannu yidhi, “Waxaan ahaa raggii madaxweynaha ku bilaabay wasiirrada aan magacowda reer Awadal kuma filna 12-wasiir buu reer Awdal gaadhsiiyey, dawladdii ka horraysay ee madaxweyne Daahir Rayaale-na intaas oo kale ayeynu ku lahayn, maalintii aynu ku bilownay kordhi ilaa maantana waxbuu ku kordhinayey, anigaana u dambeeyey maalintii lagu tartamayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Muuse Biixi wuxuu yidhi reer Hargeysa isma sharraxi karaane reer Awdal baa leh, xisbiga KULMIYE-na waakaas waxa aynu ka cabanayno ka jawaabaya.”

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xisbi ahaan aqbalayaan inay wax weyn ka qabtaan baahiyaha muhiimka ah ee gobolka Awdal, isaga oo si gaar ah u ballan qaaday inay KULMIYE ahaan samayn doonaan waddada Boorama iyo Lawyo-caddo isku xidha, waxaannu yidhi, “Farriinta aad na faraysaan oo ay ka mid yihiin in la helo dawlad dalkeeda horumarisa, in la helo sinnaan iyo caddaalad, in aqoonta la horumariyo dhallintanna shaqo la’aanta laga saaro, reer Booramana waxa dan u ah in waddada isku xidha Lawyo-caddo iyo Boorama, waddadaasna intii aan noolaa waan marayey, dhibta ay leedahayna waan aqaanaa oo Soddon sanno ayaan marayey, waxase aannu idiin ballanqaadaynaa inaanu waddaas samayno, mana aha inaanu cod idinkaga doonayno ee qarankaa u baahan oo inuu dalku isku xidhmo, dhinaca waddooyinka iyo is aaminaadda ayaanu xisbiga ku hoggaaminaynaa.”

Dhinaca kale, kumanaan ka mid ah shacabka Gobolka Gabiley, ayaa isu-soo-baxyo ballaadhan oo indhaha soo jiitay, si cadna u soo bandhigay cududdada taageeradooda KULMIYE ku qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo galinkii dambe ee maanta soo gaadhay halkaasi.

Taageerayaal xad-dhaaf ah oo aan tiradooda la qiyaasi karin oo ku lebbisanaa calanka xisbiga KULMIYE, ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Gabiley, Kala-baydh, Arabsiyo iyo Abaarso si ay u caddeeyaan heerka taageeradooda KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Khayriyada magaalada Gabiley oo taageerayaasha xisbiga iyo madaxdu isugu tageen, ayaa khudbado muhiim ah looga jeediyey shacabka reer Gabiley oo looga mahadceliyey sida ay u muujiyeen taageeradooda xisbul-xaakimka.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa isla jagadaasi mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa ololaha doorashada xisbiga kaga qaybgalay deegaannada Gobolka Hawd iyo deegaamo kale oo hoosyimaada Gobolka Madoorid-jeex.

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Awdal si wayn oo aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyey shacabka ku nool halkaasi, kuwaas oo iyagoo muujinaya taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka iyo murrashaxiintiisa qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo madaxda wehelinaysa, isla markaana waxay u ballanqaadeen inay hiil iyo hooba la barbartaagan yihiin.

Intaas kadibna Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu socdaal dheer ku maray degmooyinka Sallaxlay iyo Sabo-wanaag iyo deegaamada hoosyimaada, kuwaas oo uu shacabka ku dhaqan kala qaybgalay dabbaaldegga iyo ololaha xisbiga KULMIYE.