Taageerayaasha Liverpool oo ka war sugaya tijaabada caafimaad ee berri lagu samaynayo Coutinho

0
471

waaxa qoreya yaasir br

Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ayaa shaaca ka qaadday in berri oo Isniin ah tijaabo caafimaad ‘scan’ lagu sameyn doono Laacibkeeda Khadka Dhexe ee Coutinho oo ku dhaawacmay kulankii shalay ay 2-0 Liverpool kaga adkaatay Sunderland.

Coutinho oo ah 24 jir u dhashay Brazil ayaa laga saaray garoonka daqiiqaddii 34′ markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga ka gadaal markii ay kubadda ku wada hardameen Didier Ndong.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shir jaraa’id ka sheegay in xoogaa xanuunku uu ka yaraaday Coutinho, balse la eegi doono tijaabada caafimaad ee berri uu mari doono.

Dhinaca kale Roberto Firmino oo ay isku waddan yihiin Coutinho ayaa isaguna jug ka soo gaartay ciyaartii shalay ee Sunderland, waloow Macallinka Liverpool uu sheegayo in uusan u baahnayn in scan la mariyo oo ay tahay jug aan saa u darneyn.

Waxaa kale oo isna Liverpool dhaawac uga maqan Weeraryahan Daniel Sturridge oo aan isagu ciyaarin kulankii ugu dambeeyay isla markaana aan ka qayb gelin tababarkii maanta Anfield.