TAAGEERIDDA MUDAHARAADKA LONDON (UK)… XISBIGA WADDANI MIYUU KU SAXSANAA? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)

0
500

TAAGEERIDDA MUDAHARAADKA LONDON (UK)…
XISBIGA WADDANI MIYUU KU SAXSANAA?
(W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)

Mahad Dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeena Muxammad. Salaan Qaaliya Dhamaan Saxaafadda iyo Ahkristayaashaba waan salaamyaa.

Salaan ka dib anigu hadda halkan kagama hadlayo saldhigga Milatery ee Berbera eeUAE la siiyay, taas hore ayaan dhowr jeer wax uga idhi, waxaan u baxay inaan kelimaad kooban ka idhaahdo, taageeridda Xisbiga Waddani uu taageeray dadweyne Somaliland kasoo jeeda oo maanta (3 Feb 2017) London isugu yimi meel fagaare ah iyagoo ka hadlaya arinta saldhigga, sidaasna bannaanbax ku muujiyay.

Waxaan mardhowayd daawaday Guddomiyaha Waddani (Mudane C/raxmaan) oo hadlaya isagoo taageeraya banaanbaxaas UK ka socda, dadkana ku dhiiri gelrinaya inay taageeraan. Intaynaan ka jawaabin miyuu ku saxsanaa mise wuu ku qaldanaa, waxaynu is weydiinaynaa “Bannaanbaxani Sidiisaba Maxaa Natiijo Ah Ee Laga Gaadhayaa?”.

Marka hore saldhiga laga mudaharaadayo, Labada Aqal ayaa aqlabiyad ku ansixyay. Su’aalo dhowr ah oo aan jawaab waafiya cidina ka bixin ilaa imika waa ay jiraan, qarjajacdii Saleebaan Gaal iyo siduu wax u maamulayna waa loo wada jeeday. Dadweynaha iyo masuuliyinba wixii taageerayay iyo wixii kasoo horjeedayba dareenkooda muujiye. Lakiin ugu dambayn waa Go’aan shariciya oo sidaa ku dhaqan galay. Taa tuugna ma xado, wayna caddahay. Sidaas darteed aniga aragtitayda, mudaaharaadkaaasi wax uu inaga xumeeyo mooyaane, waxba soo kordhin maayo, bal e dadkii afkaaraha markii horeba ku kala duwanaa ayuu sii kala fogaynayaa. Suune xun baad inoo horseedeen, weliba Madaxweynihii oo idinla jooga, walaalayaal Somaliland maanta halkaa weli layslama gaadhin bay ila tahay.

Aan usoo noqdo, Xisbigga waddani oo taageeray mudaharaadka. Ugu horyayn Xisbiga Waddani waa Xisbi u tartamaya inuu talada waddanka qabto. Midda labaad Waddani mawqifkiisa waabu caddeeyay qoraal baanu ku sheegay, dadkana waa gaadhsiiyay. Waxaa kale oo xusid mudan inuu Waddani dhowr jeer oo hore Isu-Soo-Bax Dadweyne ku baaqay oo ay ugu danbaysay maalintii la ansixinanay Nuxurkii Heshiiska Saldhigga Military, dhamaan yeedhmooyinkaasi waa ay wada guuldaraysteen cidina kama soo jawaabin. Sidaas darted Waddani waxa u egayd inuu is weydiiyo “horta haddaynu reer Waddani nahay markaynu dadka u yeedhno maxay inoogu soo bixi waayaan? Ka dibna wixii ka qaldan dhexdiisa saxdo”. Laakiin inuu Hargeysa isla soo taago Mudaharaadka Somaliland lagu bahdilayo ee dibadda ka socda taageera…aniga igama daadegin….Dad badan baa u qaadan kara ama isweydiin kara “Wax Inaga Dhexeeya Oo Aynu Wada Ilaashanaynaaba Miyaanay Jirin?”.

Alla Mahad Leh
W/Q: C/raxmaan Caydiid
abdiaideed11@gmail.com
Feb 3, 2017