Taagereyala ku soo Biirey Xisbiga Waddani,Xaflad aad u Balaadhan oo loogu qabtay Dalka UK.

0
347

Taageerayaashii iyo Masuuliyiintii Garabkii Jamaal Cali Xusein ee Dalkan ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani ee Uk,waxana Xaflad Balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Galbeedka Magaalada London,iyada oo Xafladdaa uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Ismaciil Jirde.

Xafladdan lagu soo dhawaynayay Garabkii Jamaal Cali Xusein,ayaa waxa ay u Muuqunaysaa in Aqlabiyaddii garabkaasi ay ku biirtay Xisbiga Waddani,iyada oo Maalinimadii Khamiista ee 5/01/2017 loogu qabtay Magaalada Hargaysa taageerayaal laxaadleh oo cuddudoodu ku biiriyay Xisbiga Waddani oo Haatan ah Xisbiga loogu Biiritaanka
badanyahay marka aad eegto Sadexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland.

 

Geesta kale Masuuliyiinta ka soo diga Rogtay ama ka yimi Garabka Jamaal Cali Xusein ayaa dhamaan tood tilmaamay in ay ku dhacday Musharaxoodii Caddaalad Darro, iyaga oo geesta kale tilmaamay in ay go’aan qalada ahayd in Musharaxoodu ku biiro Xisbiga Kulmiye oo ay u arkayeen in uu yahay Kii sida cad isu hortaagan Musharax Jamaal Cali Xusein in uu tartamo.

Dhinaca kale Xisbiga Waddani ayaa si Mugleh usoo dhaweeyay Masuuliyiinta iyo Taageerayasha Cusub eek u soo biiray ,iyaga oo dhamaantood sheegay Xubnihii iyo Masuliyiintii gobtaa ka hadlay ee Xisbiga Waddani, in Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu u baahanyahay isbadal dhab ah oo lagu sabata bixiyo iyaga oo dhamaantood hoosta ka Xariiqay in meesha qudha ee isbadal laga dhalin kartaa ay tahay Xisbiga Waddani.

Isku soo wada duub oo Xafladda lagu soo dhawaynayay taageerayaashii iyo Masuuliyiintii New Ucid ama Garabkii Jamaal Cali Xusein ayaa kusoo gabo gabowday jawi aad u wanaagsan.