Taariikhda Markii Ugu Horaysay Oo Somaliland Laga Furo Madxaf La Magac Baxay SARYAN MUSEUM Oo U Gaara Noqon Doona Taariikhda Halgankii Dalka Iyo Dhaqanka + Sawiro

0
485

Taariikhda Markii Ugu Horaysay Oo Somaliland Laga Furo Madxaf La Magac Baxay SARYAN MUSEUM Oo U Gaara Noqon Doona Taariikhda Halgankii Dalka Iyo Dhaqanka

“Ninkaas ku fakaray isagoo waxaad ogaydeen soo maray inuu dhulkii uu daganaa ugu deeqo in madxaf laga sameeyo oo xoolihiisii yaraa ee uu soo shaqaystay uu geliyo wuxuuinaga istaahilaa inaynu ogaano” Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhigga Ka Jartay Madxafka SERYAN

“Qarankeenan somaliland kuma dhisna oo kaliya nabadgelyo wuxuu ku dhisan yahay waxyaabo qurux badan oo aynu ku faani karno oo madxafkani kamid yahay” Drs Adna Adna

“Waxaan ka digayaa inaynaan madxaf labaad samayn aynu tan isugu tagno oo wixii la hayo siciid shukri ha inagu hor kaco inaguna aynu ku daba faylno, fadlan, fadlan, fadlan hadii aad wax samaynayso hal-abuur kale yeelo oo wadadan uu siciid jeexay haku cel-celinin”Dr Bulxan

Hargeysa(Wsn)Munaasibad ballaadhan oo lagu daah furaayay madxafka ugu weyn Somaliland ee Saryan Meusem oo uu aas-aasay Muwaadin Reer Somaliland ah, sidoo kalena ka mid ahaa Ururkii Dib u xorreynta Somaliland ee SNM. Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafkan oo lagu ururinayo Taariikhda Halgankii Ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM dib ugu xorreeyay Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena lagu kaydin doono Dhaqanka iyo Hiddaha Dadka ku hadla Afka Soomaaliga, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta mudane md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, md. Cumar Shucayb Maxamed, wasiirka caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, la taliyaha madaxweynaha gaarka ah ee madaxweynaha Md. Cali Maxamed Warancade, Ergeyga gaarka ah ee wada wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Ex Wasiir Cumar yare, lagu keydin doono taariikhada iyo sooyaalka mujtamaca somaliland ayaa shalay lagu qabtay magaalada hargaysa, munaasibadani oo kulmisay Wasiiro, mujaahidiin, hal-abuuro iyo aqooyahano ku xeel dheer taariikhda iyo maraaxilkii uu soomaray wadankani ayaa dhamaantoodba halkaasi kasoo jeediyay khudbado ay kaga hadlayaan taariikhda iyo qiimaha madxafkani.

Ugu horayn waxa madashaasi hadallo kooban oo dhiiri gelin iyo baraarujin ah ka soo jeedisay masuuliyiin iyo aqoonyahano, mujaahidiin iyo hal doorka shacbiga Somaliland, waxaana furay oo halkaa ka hadlay kana warramay Marxaladihii uu soo maray aas-aaska Madxafku iyo Qaybaha uu ka kooban yahay, Mujaahid Siciid Shukri Xuseen waxaanu yidhi “Madxafkan Fikirkiisu wuxuu bilaabmay Muddo dheer ka hor, oo ku xidhiidhsan illaa dhallinyaro-nimadii, markii aanu Halganka Hubaysan aanu ku jirnay oo mar walba la iswaydiin jiray waar inta halganka ka soo hadha ee noolaata, intii hoyatay maxaynu ku xusuusan doonaan, taasaana Saldhig u ah in aanu Madxafkan Seryan Museum samayno, iyadoo ay ILAAHAY Mahaddii tahay in Dad badan ay igalaqayb-galeen, hadday tahay Xukuumadda Maanta jirta, Saaxiibbo, Dad Waayo-arag ah oo yaqaanna sida Madxafyada loo sameeyo.” Mujaahid Siciid Shukri Xuseen waxa kale oo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey Qaybaha uu ka koobanyahay Madxafku, “Madfaxku wuxuu u qaybsan yahay Saddex qaybood oo waa weyn. Kow Madxaf markaad samaynayso dal-baad ka hadlaysaa, Dalkaa aad ka hadlayso Astaamihiisa, dhaqamadiisa, Qiyamkiisa, Wiciyadihiisa iyo Aqal-Soomaaliyadiisa in la soodhigo waa lagama maarmaan, markaa Hool ayaa u gaar ah Dhaqankii ay Soomaalida wada lahayd, Somaliland-na dhaqankaa si gaar ah uma sheegan karto. Hoolka labaad (waxa ku keydsan) Taariikhda Somaliland intii la heli karayey oo aanu soo qaadanay halgankii waxaana sidaasi ku bilowday khudbadihii.

Ergayga gaarka ah ee wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Adna Aadan Ismaaciil waxaanay ku dheeraatay taariikhda Somaliland iyo qaabka ay Somaliland beesha caalamka ugu mid noqon karto waxaanay tidhi “Qarankeenan somaliland kuma dhisna oo kaliya nabadgelyo wuxuu ku dhisan yahay waxyaabo qurux badan oo aynu ku faani karno oo madxafkani kamid yahay Somali waxay ku maahmaahdaa fari fool ma dhaqdo islaan yar oo xayraansani dalkan uma soo ridi karto ictiraaf, ictiraafku wuxuu ku iman karaa dhamaanteen oo si qurux badan u wada shaqayna oo shicib weyne iyo dawladba gacanta is qabsana oo meel uga soo wada jeesana madxafkani waa wax dhamaanteenba inaga wada dhexeeya oo aynu ku faani karno”ayay tidhi Dr. Adni.

Wasiirka Maaliyada JSL Marwo Samsam Cabdi Aadan oo dhankeeda hadalo kooban madashaasi ka tidhi ayaa xustay in agabka taariikhda lagu xusi karo ee guryaha yaalaa la keeno madxafkan waxaanay si weyn u bogaadisay aqoonyahan, Mujaahid Siciid Shukri Xuseen oo isagu hindisay kana midho galiyey fikirkan isla markaana maalgeliyey oo tacabkiisa u huray taariikhda ma guurtada ah ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland”Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa aqoonyahan Sciid Shukri Xuseen ninkaas ku fakaray isagoo waxaad ogaydeen soo maray inuu ku fakaro inuu dhulkii uu daganaa ugu deeqo in madxaf laga sameeyo oo xoolihiisii yaraa ee uu soo shaqaystay uu geliyo waxaanu inaga istaahilaa inaynu ogaano Siciid halka uu inoogu jiro oo taariikhada galaya marka halgankiisii la eego iyo maantaba”ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Madaxweynaha Jaamacada FFU Prof. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ayaa si weyn uga digay in madaxaf labaad laga dhiso dalka isagoo aqooyahanku sheegay in masuulkan looga danbeeyo madxafkani waxaanu yidhi “Waxaan ka digayaa inaynaan madxaf labaad samayn aynu tan isugu tagno oo wixii la hayo siciid shukri ha inagu hor kaco inaguna aynu ku daba faylno, fadlan, fadlan, fadlan hadii aad wax samaynayso hal-abuur kale yeelo oo wadadan uu siciid jeexay haku cel-celinin”ayuu yidhi Prof:Xuseen Cabdilaahi Bulxan .

Lataliyha gaarka ah ee Madaxwayanaha JSL ayaa sheegay in madxafkani uu albaabka u furi doono ogaanshaha taariikhada ballaadhan ee reer Somaliland “Maanta waxa halkan isugu yimi hal-abuuradii dalkani oo aan filaayo inuu bilaw wanaagsan u noqon doono wixii ay maskaxadooda iyo maankooda ay ka curiyeen ama ay kasoo xigteen awoowayaasheen inuu noqon doono halkii saldhiga u ahayd ee lagu kaydin doono, Somaliland siday u dhan tahay waa wada mujaahid sababtana waan idiin sheegayaa oo maanta sooyaal waxa ku midaysan Gobolada dalka oo dhan waxaana laysla qaatay in reer somaliland ku midoobaan Sooyaal”ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade.

Ganacsade Cali Cumar Guuleed ayaa si qiiro badan uga hadlay qiimaha uu madxafkani u leeyahay wadankani waxaanu yidhi “Daar mudan ayuu Siciid shukri sameeyay,halgankana meel wacan ayuu kaga jiray isaga iyo qoyskiisuba waxaan jecelahay in jeebka gacanta la geliyo oo siciid la taageero, anigu jeeg furan ayaan samsam u dhiibayaa ee waxay doonto ha ku qorto”ayuu yidhi Ganacsadaha caanka ah ee Cali Cumar Guuleed.

Ugu Danbayna waxa halkaasi si qoto dheer u sharxay kana faalooday macnahay madxafkan ama museumkan SARYAN Jacfar Maxamed Gaadaweyne waxaanu yidhi “waxan yara dul istaagayaa macnaha magaca Saryan, intiina aan garanayn waana biciidka lab ayaa la yidhaahdaa saryan, hadaba calaamadaha uu leeyahay maxay tahay 1. Meel cosoba ayuu daaqaa,2. Waa keligii socod oo cid ma raaco, saryan museum kani muxuu xidhiidh la leeyahay biciidka, waa arrin ugub ah oo cusub, maxaa loo baahan yahay waxaana loo baahan yahay in dad iyo dawladba museum ka lagu tabcaa, taasi waa magaca oo waa sidaasi. Madxafoow maxaad tahay, madxaf waa meel lagu keydiyo wixii farshaxan ah ee ummaddu leedahay dadkii hore dhintay kuwa nool, wixii dhaqan ah ee ay leeyihiin waa meeshii lagu keydinaayey (cultural material) kaasi meelo badan ayuu taabanayaa, cuntada wuu taabanayaa, qalabka cuntada wuu taabanayaa sida xeedhada, fandhaalka, dhiilka, hadhuubka, haanta caanaha, ta biyaha, sarta, saliga sibraarka, qarbadka, iwm,”.
Waxa iyana xusid mudan oo halkaasi ka hadlay mujaahid Maxamed Baaruud, mujaahid Saleebaan Cumar Ku joog iyo qaybo ka mida haldoorka shacbiga Somalialnd.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????