Taarikhda Markii ugu horaysay oo 16 Jire Goolwade ahi uu Horyaalka Seria A ka Saftay ciyaar

0
396

Taarikhda Markii ugu horaysay oo 16 Jire Goolwade ahi uu Horyaalka Seria A ka Saftay ciyaar

Hargeysa(Warsugannews) Gianluigi Donnarumm, 16 jir ay Milan Saftay Ciyaartii Sassuolo
Goolwadaha da’da yar ee Gianluigi Donnarumma ayaa dhigay rikoodh cusub, taariikhdana gallay Axadii, isagoo noqday goolwadihii ugu da’da yaraa ee lagu bilaabo ciyaar horyaalka Serie A ah taariikhda.

16 sanno jir, Donnarumma wuxuu ka caawiyey AC Milan inay guul 2-1 ah kaga dul talaabsato Sassuolo oo ciyaarta 10 ciyaaryahan ku dhamaystay.

Tababaraha Milan, Sinisa Mihajlovic ayaa go’aan saday inuu ku bedelo goolwadihii hore ee Real Madrid, Diego Lopez, oo 33 jir ah, wiilkan yar ee Donnarumma kadib markii ay saddex ciyaarood kooxdu guul urin weyday.

Donnarumma inuu kulan heer caalami ah safto oo waliba taariikh qoraa waxay timid laba sannadood kadib markii uu ku soo biiray kooxda 18 jeer ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here