Tababare Jose Mourinho Ciqaab Adag Kala Kulmi Kara FA-ga Ingiriiska, Xili Isaga Oo Aan Dacwadiisii Hore Go’aan Laga Gaadhin Dagaal Wayn La Galay Garsoorkii Kulankii Old Trafford Ee Burnley

0
313

waaxa qorey yaasir BR

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa musiibo dhexda kaga jira iyada oo kooxdiisu ayna afartii kulan ee horyaalka ugu danbeeyay wax guul ah gaadhin, laakiin sidoo kale Mourinho ayaa ku jira xaalad xun oo dhinaca xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ah waxaana suurtogal ah in ciqaab adag lagu soo rogo kadib markii si xun iskugu dheceen garsoorihii hayay kulankii Man United ay barbaraha la gashay kooxda Burnley.

Jose Mourinho ayaa la arkayay isaga oo ay isku dhacsan yihiin garsooraha afraad ee kaydka Old Traffrod fadhiyay isaga oo uga ashkatoonayay qaladaad uu sheegay in uu ciyaarta ka sameeyay  Mark Clattenburg, laakiin markii laga soo laabtay waqtigii nasashada Mourinho ayaa kursiga kaydka soo fadhiisan waxaana la saaray taaraboonka.  Mark Clattenburg ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay qaladaad iyada oo Mourinho uu garsooraha afraad gacantiisa ugu muujiyay afar qalad uu sameeyay.Jose Mourinho ayaa ka cadhaysnaa in kooxdiisa rekoodhe laga diiday kadib markii da’yarka Liverpool amaahda kaga maqan ee John Flanagan uu qalad ku galay Matteo Darmain, xataa haddii ay ka baxsanayd xerada ganaaxa, waxay sidoo kale Man United wayday in ay garsoore  Mark Clattenburg ka hesho laaga xorta ah, wuxuuna tilmaamay in aanu wax qalad ahi jirin, taas oo Mourinho dhiiga ku karisay.Kaliya ma aha in Mourinho kaadhka cas la siiyay oo gudaha garoonka laga saaray, basle sidoo kale waxaa jirta dacwad hore oo FA-ga kaga socota iyada oo lagu haysto in uu wax ka sheegay garsoore Anthony Taylor  oo dhex dhexaadiyay kulankii Liverpool iyo Man United, waxaana Mourinho isku biiray laba kiis oo uu ka sameeyay laba kulan oo Premier leaque-ga ah oo uu hal kulan u dhexeeyay.Ilaa hadda lama oga nooca ay noqon karto ciqaabta uu mari doono macalinka ree Portugal basle waxa uu naftiisa halis u galiyay in guud ahaan garoomada laga mamnuuci karo ama kulamo tiro badan laga ganaaxi doono kursiga kaydka kooxdiisa Manchester United.Ilaa hadda lama oga nooca ay noqon karto ciqaabta uu mari doono macalinka ree Portugal basle waxa uu naftiisa halis u galiyay in guud ahaan garoomada laga mamnuuci karo ama kulamo tiro badan laga ganaaxi doono kursiga kaydka kooxdiisa Manchester United.Xidhiidhka Mourinho iyo FA-ga ayaa ah mid aad u xun isaga oo marar badan gaanax lacageed iyo garoomada ah la kulmay, balse dhacdooyinka ugu danbeeyay ayaa xaalada sii xumaynaya. Man United ayaa 10 kulan ka heshay 15 dhibcood iyada oo kaalinta 18 aad uga dhaw kaalinta kowaad ee PL.