Tababare Luis Enrique Oo Sarre U Qaaday Baadigoobka Shaqsiga Sirtiisa & Tan Kooxda U Gudbiya Saxaafada.

0
667

Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa sarre u qaaday baadigoobka uu ugu jiro inuu helo shaqsiga ku dhex jira qolka labiska ee sirta kooxda bixiya ka dib markii sheekooyin u gaar ah kooxda ay heleen saxaafada dalka Spain.

46 jirkaan ayaa aad uga careysan sheekooyin xiriir ah oo ku saabsan wada sheekeysi iyo kulumo ka dhacay garoonka tababarka iyo qolka labiska markii loo gudbiyay saxaafada, waxaana ugu weyneyd jariirada Mundo Deportivo oo daabacday dukumiintiyo muujinayay qorshaha taatiko ee Luis Enrique uu u dejiyay kooxda Borussia Monchengladbach kulankii Champions League.

Sirtii la faafiyay dhawaan ayaa sidoo kale sii xumeysay xiriirkii awalba xumaa ee Luis Enrique kala dhaxeeyay jaraa’idyada Catalunya.

Tababaraha Barcelona ayaa u arka bixinta sirta kooxda inay tahay qiyaano weyn sida ay qortay jariirada Sport, sababtana waxa ay tahay in dukumiintiyada la daabacay ay ahaayeen kuwa loogu talogalay inay sir noqdaan.

Laakiin ma ahan markii ugu horeysay ee ay kooxda Camp Nou ka dhisan la dhibtoodo sirteeda oo ay helayaan saxaafada.barcelonas-coach-luis-enrique-martinez