Tacsi guddoomiye cirro oo Xisbiga WADDANI, Qoyskii iyo shacbiga Somailand ka tacsiyadeeyey marxuumad Faadumo Shacayb Odawaa oo kamid ahayd hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI

0
390

Tacsida guddoomiye cirro

In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun

Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani, md. Cabdiraxmaan maxamed cabdillaahi (cirro),isagoo ku haddlaya magaciisa ka hoggaanka xisbiga WADDANI,ka gobolada & degmooyinka ee xisbiga WADDANI , ka laamaha debada iy magaca tageerayaasha xisbiga waddani meel kasta oo ay joogaan, wuxuu tacsi u dirayaa, garabka haweenka ee xisbiga WADDANI,ka dhalinyarada iyo guud ahaanba hoggaanka kala duwan iyo masuuliyiinta xisbiga waddani, eheladii qaraabadii iyo qoyskii ay ka baxday marxuumad Faadumo Shacayb Odawaa oo kamid ahayd hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI oo maanta ku geeriyootey cisbitaalka magaalada Hargeysa 12.17,2015

Guddoomiye c/raxmaan cirro ayaa tacsi taasi lamid ah oo tiiraanyo leh u diraya masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga WADDANI &tageerayaasha xisbiga, Iyo Shacabka Reer Somaliland,isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi marxuumad Faadumo Shacayb Odawaa oo maanta ku geeriyootey magaalada 12.17.2015 .

Md cbadiraxmaan maxamed c/laahi cirro ayaa ku sifeeyey marxuumadu inay ahayd shaqsi, alla ka cabsibadan, isla markaana ka mid ahayd dadkii dhidibada u taagay xisbiga waddani,ee naf iyo maalba u huray horumarka xisbiga waddani.

Gudoomiyuhu wuxu eebe uga beryayaa marxuumad Faadumo Shacayb Odawaa inuu jannadii fardowsa ka Waraabiyo, garabka haweenka iyo guud ahaanba xisbiga WADDANI, eheladii qoyskii , qaraabadii, & shacabka reer somaliland ee ay ka baxday marxuumadu inuu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Aamiin aamiin
Illaahay ha u naxariisto marxuumada.
Mujaahid: Boobe Yusuf Ducaale
Xoghayaha war-faafinta xisbiga WADDANI