Tacsida Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed

0
345

Tacsida Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Axmed muumin Seed,ahna ku simaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDAN,isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ka laamaha debada ee xisbiga iyo ka Taageerayaasha xisbiga WADDANI, Wuxu Tacsi U Dirayaa, odayaasha, Siyaasiyiinta,wax-garadka, madax -dhaqameedyada, Eheladii qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuum Profissor Aden Jaamac (Hoori) oo ku geeriyooday maalintii shalay ahayd Dalka isutaga imaraadka Carabta 7,12,2015

Md Axmed Muumid Seed ayaa tacsi taasi lamid ah oo tiiraanyo leh u dirayaa masuuliyiinta Xisbiga UCID iyo dhammaaba tageerayaasha xisbiga UCID, isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Profissor Aden Jaamac (Hoori) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID Oo shalay ku geeriyooday dalka isutaga imaaraadka Carabta.
Gudoomiye ku -xigeenka xisbida WADDANI Md Axmed Muumin Seed wuxu Eebe uga baryayaa Marxuum Profissor Aden Jaamac (Hoori) inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, a wax-garadka iyo bahda siyaasada, eheladii Qoysaskii , Qaraabadii, & shacabka reer somaliland ee uu ka baxay marxuumku uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin Aamiin
Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.