Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Shilalka Saddexdii Billood Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay

0
400

Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Shilalka Saddexdii Billood Ee U Dambeeyay Dalka Ka Dhacay

Hargeysa (Warsugannews) Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka waramay tirrada dadkii ku naf waayay iyo kuwoo ku geeriyooday shidadlkii dalka ka dhacay saddexdii bilood ee u dambeeyay.

“Sadexdii bilood ee ugu danbeeyay boqol shil ayaa dhacay, waxa ku dhintay 18 qof waxaana ku dhaawacmay 85 ruux oo kale, 97 gaadiid ah ayuu qasaare ka soo gaadhay, xoolahuna waa shan iyo afartan.” Ayuu yidhi Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal u waramay Barnaamij Idaacadda BBC-du ka diyaarisay shilalkii ka dhacay Somaliland.

Taliye Fadal waxa uu intaasi raaciyay “waxyaabo badan ayaa sababa waxaana ka mid ah xawaaraha sare ee gaadiidku ku socdaan, mobailada iyo daahyada oo had iyo jeer basaska lagu xidho taxadir daro ayaa iyaduna ka mid ah.” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here